HomeXukuumadda Somaliland oo Shacabka uga digtay Xannuunnada Covid-19 iyo Kuduudiyaha oo soo...

Xukuumadda Somaliland oo Shacabka uga digtay Xannuunnada Covid-19 iyo Kuduudiyaha oo soo laba-kacleeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday in xannuunka Covid-19 si weyn uga jiro gudaha dalka, waxaanay shacabka ugu baaqday inay is ilaaliyaan oo dabbaqaan tallaabooyinka feejignaanta ee lagaga hortago Xanuunkan oo kiisas cusub laga xaqiijiyey dalka.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegtay in dalka lagu arkay Kiisas cusub oo Xanuunka Covid-19 ah, sidaasi darteed Shacabka looga baahan yahay inay aad isku ilaaliyaan, ugana taxadaraam Xanuunkan.

blankAgaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye, waxa uu sidoo kale Shacabka reer Somaliland uga digay xanuunka Kuduudiyaha, oo uu ka xog-warramay sida loo qaado, iyo qaabka la iskaga ilaaliyo.

Agaasimuhu waxa uu sidoo kale ka hadlay socdaal uu ku tagay deegaano ka tirsan Somaliland iyo xarumo caafimaad oo ay xadhigga ka jareen, waxaanu ugu horeyn ka hadlay Xanuunka Kuduudiyaha, “Caalamadihii Kududiyihii way jiraan, muddo hore ayaanu ka qaadnay shaybaadh oo aanu ogaanay inuu jiray, xilli Burco uu ka jiray, laakiin imika weli shaybaadh lagama qaadin, laakiin waa la og yahay inuu jiro, isaguna laftiisu waa fayras, laakiin waxaa lagaga hor tagaa nadaafadda iyo kaneecada oo la iska ilaaliyo qaniyadeeda, dadkana waanu ka wacyigelinaynaa mar kasta oo waxaanu leenahay aad uga taxadira, iskana ilaaliya, oo waxyaabaha laga qaada iska ilaaliya,” sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika.

Mar la weydiiyey Xanuunka Covid-19 oo Waddamo badan ku soo laba-kacleeyey iyo halka uu Somaliland ka marayo, waxa uu ku jawaabay,“Dadku way yar yihiin, laakiin xilligan qaboobaha inuu kaco ayaa laga yaabo, wey jiraan kiisas yar oo soo noqday (Covid-19) xilligan qaboobaha, laakiin wuu yar yahay weli, waa in taxaddar gaar ah la sameeyo xilligan qaboobaha aynu ku jirno, oo wacyigelinta aanu wadno dadku ha joogteeyaan”, sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Warbaahinta Somaliland Post oo soo xiganaysa ilo-wareedyo kala duwan, ayaa 15-kii bishan qortay warbixin lagu soo bandhigay sida xukuumaddu uga gaabisay wacyi-gelinta shacabka ee xannuunka Covid-19 oo soo laba-kacleeyey , isla markaana ay jiraan dad xannuunka u dhintay.

Xannuunka ayaa xilligan faro-baas ku haya Caalamka, iyadoo dalalka qaarkood laga diiwaangeliyey kiisas ka badan kiisaskii hore looga xaqiijiyey muddadii fiditaanka xannuunku si xawliga ah ugu baahay adduunka. Dalalka xilligan si weyn uga tacaalaya Covid-19 waxa ka mid ah Maraykanka, Brazil iyo waddamo kale oo ku yaalla qaaradda Yurub.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories