HomeXukuumadda Somaliland oo Shacabka magaalada Hargeysa Ku soo rogtay Amar hore loogu...

Xukuumadda Somaliland oo Shacabka magaalada Hargeysa Ku soo rogtay Amar hore loogu Fuliyey magaalada Burco

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay shacabka magaalada Hargeysa ku soo rogtay Amar hore loogu soo rogay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaas oo dadka caasimadda ku dhaqan ka xaaraan-timaynaya inay magaalada gudaheeda la dhex-maraan Mindiyaha ama Soodhadka oo aanay caado u lahaan jiray inay qaataan dadka reer Hargeysa, balse muddooyinkii u dambeeyey isticmaalka sidashadeedu ku soo badanaysay.

Wasiir Waran-cadde oo Dhex-dhexaadinta Guddiga Guurtidu ka Dhex bilowday Garabyada Kulmiye ku micneeyey Mid lagu saxayo Khalad Sharci oo dhinacyada midkood ku kacay (DAAWO)Wasiirka Daakhiliga Cali Waran Cadde, ayaa sheegay in ciddii lagu arko iyadoo suuqa dhexdiisa ku sidata mindiyaha ama soodhadhka in sharciga la horgayn doono, isla markaana xadhig muddo dheer ah lagu xukumi doono.

Wasiirku waxa uu tallaabadan ku sheegay mid ka dhalatay heshiis si wada jir ah ay uga gaadheen Wasaaradda Daakhiliga iyo Maxkamadaha dalku, iyadoo qofkii lagu qabto Mindi ama Soodh uu mutaysan doono xadhig aan muddadiisa la cayimin.

“Marka maanta (shalay) laga bilaabo wixii ka dambeeya qofka Mindi lagu arko ee aanay hudheel ama guri oolin, ama aan hilib ku cunaynin isagoo suuqa dhex sita, waxaa la xidhi doonaa bilo badan, waananu ka heshiinay arrintaasi maxkamadaha, sida uu xeerku tilmaamayo ayaana lagu xukumi doona, waxaanan leeyahay qof hilib ku cunaya mooyee qof kale oo dibadda la maraya lama arki karo,” sidaa waxa yidhi Wasiirka arrimaha Gudaha oo hadalkan ka sheegay munaasibad uu xadhigga ka jaray shalay saldhig cusub oo laga hirgeliyey Xaafadda Macalin Haaruud ee Bariga magaalada Hargeysa.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi,  “Waxaa la baadhi doonaa dadku marka ay basaska fuulaan, ciidamadda CID-da ayaa raaci doona basaska, marka ay ka degayaan ayaa la baadhi doonaa, ninka reer miyiga ahi gurigiisa ha kaga yimaado, marka uu magaalada soo galana meel baydhsan ha dhigto.”

Go’aankan ayaa noqonaya markii u horeysay ee shacabka magaalada Hargeysa oo aan lagu tiring jiray qaadashada hubka Mindiyaha, marka laga reebo kooxaha habeenkii dadka booba, ayaa ku soo beegmaya dhowr bilood ka dib oo go’aan hubka noocan ah lagaga mamnuucayo lagu soo rogay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo shacabka ku dhaqan, gaar ahaan ragga, ay caado u tahay inay qaataan Mindiyaha iyo Tooriyaha oo caado u ah inay qaataan, waxaanay tani dhalisay shilal dhowr ah oo geystay qudh-gooyo iyo dhaawacyo dad badan loogu geystay hubkan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories