HomeXukuumadda Somaliland oo Shacabka ku dhiirri-gelisay Weynaynta Xuska Dhalashada Nebi Muxamed (NNKHA)

Xukuumadda Somaliland oo Shacabka ku dhiirri-gelisay Weynaynta Xuska Dhalashada Nebi Muxamed (NNKHA)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku baaqday in kor lo qaado oo la weyneeyo Xuska dhalashada Nebigeenna suubban ee Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, isla markaana waxay Cambaaraysay aflagaaddaynta Nebiga ee Madaxweynaha Faransiisku taageeray.

blankWasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo galabta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa Bulshada ugu baaqay inay weyneeyaan Xuska dhalashada Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, oo ku beegan 12-ka bisha Rabiicul-awal oo Khamiista caawa ku beegan.

Wasiir Khaliil waxa uu cambaareeyey aflagaaddaynta Nebi Muxamed (NNKHA), waxaanu soo dhaweeyey Muddaharaadka ay Boqollaal Dadweynaha reer Burco Salaasadii shalay ku muujiyeen siday uga xun yihiin aflagaaddaynta Nebi Muxamed ee Faransiiska ka soo yeedhaysa, isla markaana Madaxweynaha dalkaasi sida qaawan u taageeray.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxa uu ka warramay taariikhda Nebi Muxamed (NNKHA) iyo sida Allaah (SWT), uu u karaameeyey. Waxaanu Wasiirka Diintu Culimada dalka ku amray inay sameeyaan Muxaadirooyin ku saabsan Siirada Nebi Muxamed (NNKHA), isla markaana Khudbadaha Jimcaha ku soo qaataan Siirada Rasuulka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories