HomeXukuumadda Somaliland oo shaacisay xaddiga lacageed ee loo ururiyey Barakacayaasha Soomaaliya, meelaha...

Xukuumadda Somaliland oo shaacisay xaddiga lacageed ee loo ururiyey Barakacayaasha Soomaaliya, meelaha loo qaybinayo iyo weliba Cidda Qaadaysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka Ganacsiga Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ah guddigii Xukuumadda ee loo igmaday inay lacagta qaadhaanka ah u ururiyaan ayaa markii ugu horreysay shaaciyey xwakhtiga lacagtaas loo geyn doono ciddii loogu talo-galay

Wasiirka oo waraysi siiyay telefishanka Caalamiga ah ee HCTV waxa uu sheegay in lacagta qaadhaanka ah ee shacabka reer Somaliland u ururiyeen walaalahooda Soomaaliyeed ee abaaruhu tabaaleeyeen taas oo dhan $700,000 isla markaana  loo kala saari doono laba qaybood. Wasiirku waxa uu sheegay in qayb ka mid ah lacagtaas loo qaadi doono dadka ku tabaalaysan xeryaha qaxoontiga ee Kenya, halka qaybta labaadna loo gudbin doono dadka ku dhaqan xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho.

blankWasiirka oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxa lagu guulaystay gurmadkii shacabka iyo xukuumaddu wada qaateen oo lagu soo ururiyey lacag muddakar taas oo la odhan karo waxay ka qiimo roon tahay lacago ay ku deeqeen dalal badan oo aqoonsi haysta oo Afrika ku yaala. Sida aan maqlayna dalka Koonfur Afrika ayaa ugu badnaa oo ku dhawaaqay lacag gaadhaysa $500,000. Maanta lacagta aynu haynaa waxay dhan tahay $700,000 oo loogu talo-galay in lagu caawiyo dadka walaaleheenna ah, waxaanan rejaynaynaa in todobaadkan gudihiisa wareegga hore wax lala gaadho, maalmaha Isniinta ama Salaasada.”

Waxa kale oo wasiirku intaas ku daray, “Lacagta waxa qaadi doona ciddii loo igmado ee guddigu u garato. Lacagtu waxa ay mari doontaa laba waddo. Meesha ugu horreysa ee mushkiladda ugu badan taallo oo ah magaalada Muqdisho oo awooddeda ugu badani gaadhayso, waxaana laga yaabaa inuu jiro dariiq kale oo ah dadka ku baro-kacay ee u qaxay dalka Kenya xeryaha qaxoontiga ku yaala. Waxaana mar hore dhacday in dad reer Somaliland ahi ay hore u caawiyeen dadkaas oo ay kaalmo u mariyeen niman Carbeed. Warbixintii ay qoladaasi noo keentayna waxay kalliftay in qoladaasna wax la gaadhsiiyo. Waxaananu rejaynaynaa in hawshaa ay qaban doonto cid ka wakiil ah shacabka iyo xukuumadda Somaliland.”

Haseyeeshee, warar xogogaal ah ayaa sheegaya in deeqda la geynayo dadka barakacayaasha ah ee ku nool Kenya ay qaadi doonaan wefti wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, halka qaybta labaad ee magaalada Muqdisho ay qaadi doonaan xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories