HomeXukuumadda Somaliland oo shaacisay Qorshe ay Maraakiibta u raran Ganacsatada Somaliland kaga...

Xukuumadda Somaliland oo shaacisay Qorshe ay Maraakiibta u raran Ganacsatada Somaliland kaga badbaadinayso budhcad-badeedda Soomaalida

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ka hadlay qorshe xukuumadda uu ka tirsan yahay ugu talo-gashay inay budhcad-badeedda Soomaalida kaga badbaadiyaan maraakiibta u raran ganacsatada Somaliland iyo sidoo kale gaadiidka badda ee isaga goosha Somaliland iyo waddamada ay xidhiidhka ganacsi leeyihiin.

Waxa uu wasiirku sidaas ku sheegay mar uu maanta warbixin ka siiyey gudida joogtada ah ee Golaha guurtida waxqabadka wasaaradiisa.

Wasiirku waxa uu warbixintiisa ku sheegay in wasaarad ahaan ay diyaariyeen shuruucdii ay ku hagi lahaayeen ganacsiga dalka, sida sharciga ganacsiga oo dhowaan la hor gayn doono golaha wakiilada, sharciga ganacsiga gudaha, sharciga maalgashiga shisheeye iyo sharciga kala xadaynta ganacsiga oo hirgelintiisii ay dhiman tahay.

Mudane Khaliif oo ka hadlayey dhibaatada ay budhcad badeedu ku hayso ganacsiga dalka sida markabkii ugu dambeeyey ee reer Somaliland u rarnaa ee dhowaan laga soo daayey, waxa uu xusay inay xidhiidh la sameeyeen Hayadaha ilaalinta xeebaha iyo gooshitaanka biyaha caalamiga ah ayna ka wada hadleen sidii ganacsiga Somaliland looga badbaadin lahaa gacanta Budhcadda, sidoo kalena maraakiibta isaga gudbaysa Xeebaha Somaliland iyo wadamada ganacsigu ka dhexeeyo loogu heli lahaa hub fudud oo la waafajiyo shuruucda caalamiga ah ee jirta. Wasiirka Ganacsigu waxa uu intaas ku daray in maalmihii u danbeeyay dhegaha dadweynaha ay soo gaadhaysay kor u kac ku yimid qiimaha shiidaalka taas oo uu ku sababeeyay Maraakiibta Shiidaalka oo cabsi xoogan ka qaba kooxaha budhcad badeedka ah.

Sidoo kalena waxa uu  Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Mudane C.risaaq Khaliif Axmed sharaxaad ka bixiyey Labada Maxjar ee Xoolaha ee Magaalada Berbera oo uu sheegay in markii hore Maxjarka dawladdu uu ahaa 7 doollar, hase yeeshee markii ay Xukuumada uu ka tirsan yahay la wareegtay Maamulka dalka  ay ganacsatada reer Somaliland uga dhigtay Khidmad dhan Laba dollar, taasoo uu sheegay inay ka danbaysay cabasho ka timid dhinaca Ganacsatada reer Somaliland.

Wasiirka oo ka hadlayey dhinaca maalgashiga waxa uu sheegay inay tanaasulaad badan iyo dhiirrigelin u sameeyeen wershadaha laga hirgelinayo wadanka gudihiisa sida cashuur dhaaf, qalabkooda iyo waxayaabaha caydhiin ee loo isticmaalayo wershadahaasi.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories