HomeXukuumadda Somaliland oo Shaacisay Qorshe ay kaga Maarmi Karto Mucaawimooyinka Dibadda

Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Qorshe ay kaga Maarmi Karto Mucaawimooyinka Dibadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cape Town (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland, Eng Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay inaanu horumarka Somaliland ku xidhnayn helitaanka mucaawimooyinka ay ugu yaboohaan waddamada horumaray,  la’aanteedna ay bulshadu wax-qabsan karto.

Wasiir Xuseen oo magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ka qayb-galay shir loo qabtay maalgashiga Macdanta Afrika, ayaa wareysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegay inaanay dal ahaan meel ku gaadhi karin shilimaadka ay waddamada reer Galbeedku siiyaan Somaliland.

Xuseen-Cabdi-Ducaale“Waa faa’iido shaki ku jiro, mucaawinadu weligeed wax ma horumarin karto,”ayuu sheegay. Isagoo raaciyey, “Mucaawinadu wax walba ma xaliso, waxaan jeclaan lahayn inaanaan helin, maxaa yeelay, immisa waddan oo Afrika ayaad garanaysaa oo horumar gaadhay sabab la xidhiidha mucaawino la’aan. Wadamada mucaawinada ugu badan hela waa kuwa ugu mushkiladaha badan,” ayuu sheegay.

Wasiirka Macdanta ayaa sheegay inuu isku deyayo inuu ku qanciyo shirkadaha baadha macdanta inay yimaadaan Somaliland oo ku tilmaamay, ‘faranta macdanaha aan weligeed la baadhin’, “Waxaan ku horumarnay awooda shacabka oo isku tashaday. Keli ayaan wax qabsanay, annagoo cidna wax weydiisan,” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in kastoo aanu wadankiisu awood u lahayn la macaamilka hay’adaha lacagaha adduunka, balse taasi faa’iido u tahay maadama aan loo raacayn dayman lagu leeyahay, keligoodna isku tashadeen. “Wax amaah ah oo lanagu leeyahay ma jirto, waanu ka duwan nahay sida xaalada maanta ka taagan Giriigga,” ayuu sheegay.

Xuseen cabdi Ducaale waxa in miisaaniyada Somalialnd gaadhayso $250 milyan oo gebi ahaan ka soo baxda qaniimada dalkiisa. “Lacagaha dibedaha laga soo diro waxay soo geliyaan dhaqaalaha dalka inta ugu badan,” ayuu sheegay Wasiir Ducaale.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories