HomeXukuumadda Somaliland oo shaacisay inay ka qayb-galayaan Shirka Dalka Turkiga loogu qabanayo...

Xukuumadda Somaliland oo shaacisay inay ka qayb-galayaan Shirka Dalka Turkiga loogu qabanayo Soomaalida

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blank[H]argeysa (SLpost)-Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay ka qeyb galayso shirka Turkigu u qabanayo Soomaalida bilowga bisha June, ka dib markii la sheegay in Somaliland loogu qaabilayo maamuus la mid ah kii shirkii London ee 23-kii Bishii Feberwari ka dhacay magaaladda London.

Xukuumaddu waxay shirkan uga qayb-galaya afar Wasiir oo madaxweyne Siilaanyo u magacaabay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka warfaafinta iyo wacyi-gelinta isla markaana ah afhayeenka xukuumadda Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle Boobe.

Warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Wasiir Boobe ayaa u dhignaa sidan:

“Wasiirka Warfaafinta Somaliland isla markaana ah afhayeenka rasmiga ah ee Xukuumadda Somalilad, waxa uu soo saaray Warsaxaafadeedkan ku saabsan ka qayb galka wajiga hore ee Shirka Magaaladda Stanbul ee dalka Turkiga, ka dib markii ay martiqaad rasmi ah ka heshay Dawladda Turkiga bishii 5/24/2012.
Xukuumadda Somaliland waxa ay go?aansatay in ay ka qayb gasho wajiga hore ee shirkaasi oo ku beegan 31-ka bishan aynu ku jirno ee May.

Martiqaadkan Rasmiga ah waxa si cad ugu qeexan in dawladda Turkigu, Somaliland ula dhaqmi doonto si ka gedisan sida loola dhaqmayo goboladda Somalia.

Dawladda Turkigu waxa kale oo ay martiqaadkeedan ku cadaysay in la Raaci doono hab maamuuska shirkii London ee qabsoomay 23-kii bishii February.

Shirka Magaalo Madaxda dalka Turkiga ee Stanbul ka qabsoomi doona bishan 31-da, waxa lagu gorfayn doonaa isla markaana go?aamo laga gaadhi doonaa arrimaha la xidhiidha horumarinta iyo dhaqaalaha oo u kala baxa afar qaybood kuwaas oo kala ah u adkaysiga Tamarta, biyaha iyo waliba wadooyinka.

Maadama uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland socdaal ku tagayo dalka Djibouti, madaxweynaha Somaliland waxa uu u magacaabay shirkaasi in ay ka qayb galaan wasiirada ay ka midka yihiin: Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Sacad Cali Shire, Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale.

Gabogadiina waxa aanu halkan ku cadaynaynaa in aanaan ka qayb geli doonin wajiga labaad ee shirka, kaas oo lagaga hadlayo waxa loo yaqaano Road Map-ka oo aan qusaynin Jamhuuriyadda Somaliland.”

 SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories