HomeXukuumadda Somaliland Oo Shaacisay In La Furan Karo Ururrada Siyaasadda

Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay In La Furan Karo Ururrada Siyaasadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in la furay Ururrada Siyaasadda isla-markaana Siyaasiyiinta dalku wixii imika ka dambeeya u Madax-banaan yihiin inay furtaan Ururrada Siyaasadda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo Gelinkii dambe ee Maanta, ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu fasaxay furashada Ururrada Siyaasadda dalka.

blankWasiir Koore oo arrintaa ku dhawaaqayaana wuxuu yidhi “Haddaynaan noqon dad ku dhaqma oo isku dhaqa sharciga dalka, waxaynu noqonaynaa Dal fawdo ah oo aan nidaam iyo kala dambayn ka jirin”

“Madaxweynuhu isagoo ixtiraamaya sharciga dalka, isagoo ixtiraamaya doonista dadka, isagoo fulinaya sharciga iyo dastuurka dalka waxa uu aqoonsan yahay inay furan yihiin ururada Siyaasaddu,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Somaliland waxa xilligan ka jira Saddex Xisbi oo kale ah KULMIYE oo talada dalka haya iyo labada xisbi mucaarad WADDANI iyo UCID.

Ku-dhawaaqista furashada Ururrada Siyaasadda Somaliland, ayaa ku soo beegmaya xilli muddo-xileedka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay ka hadhsan tahay muddo 11 bilood ah isla-markaana Xisbiyada Mucaaradku isku diyaarinayeen doorashada Madaxtooyada oo qorshuhu yahay In la qabto bisha 11-aad ee sannadka 2022-ka, haddii Alle yidhaahdo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories