HomeXukuumadda Somaliland oo shaacisay Dhaqan-galka Amar ay ku soo rogtay Shirkadaha Isgaadhsiinta

Xukuumadda Somaliland oo shaacisay Dhaqan-galka Amar ay ku soo rogtay Shirkadaha Isgaadhsiinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technoolajiyadda ee Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday dhaqan-galka wareegto uu soo saaray horaantii bishii December ee sannadkii hore.

Wareegtada ayaa ku amraysay shirkadaha Isgaadhsiinta inay nidaamiyaan farriimaha ogeysiisyada iyo xayaysiisyada ee ay u diraan bulshada adeegyadooda isticmaasha, isla markaana ay u sameeyaan khaanad ay macaamiishu ku xakamayn karaan ama ku kala dooran karaan farriimaha uga imanaya shirkadaha Isgaadhsiinta.

blankWareegtada oo ku wakhtiga dhaqan-galkeedu ku muddaysnaa 1-da bishan January 2022, waxa uu wasiirku ku shaaciyey qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, kaas oo uu ku sheegay inay dhaqan-gal tahay wareegtadaasi isla markaana ay shirkadaha isgaadhsiintu bulshada la wadaagi doonaan qaabka ay u marayaan xidhista iyo furista helitaanka farrimaha kala duwan.

“Waxa si toos ah u dhaqangalay 01/01/2022 wareegtadii wasaaradda ee lagu nidaaminayey adeegga fariimaha xambaarsan xayaysiisyada ee shirkada isgaadhsiintu u diraan macaamiisha, iyada oo shirkadaha isgaadhsiintu macaamiishooda la wadaagi doonaan habka ay u marayaan helidda iyo xidhidda adeegga fariimaha,”Sidaas waxa bartiisa Facebook ku baahiyey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technoolajiyadda ee Somaliland Cabdiweli Suufi Jibriil.

Wasiirka oo la hadlayey bulshada, waxa uu yidhi, “Haddaba, waxa Wasaaraddu bulshada la wadaagaysaa in ay kala socdaan shirkadaha isgaadhsiinta wixii faahfaahin ah ee arrinkaas la xidhiidha.”

Si kastaba ha ahaatee, wareegtada Wasaaradda Isgaadhsiinta oo ka koobnayd Afar qodob, ayaa sheegaysa in shirkadaha Isgaadhsiintu xaq u leeyihiin inay macaamiishooda gaadhsiiyaan farrimaha ku saabsan adeegyadooda, balse ay tahay inay macaamiisha oggolaanshiyo uga farriimaha ku saabsan ogeysiisyada iyo xayaysiisyada ay cid kale u qabanayaan, taas oo ka dhigan in marka hore qofka macmiilka ahi oggolaado inuu helo farrimahaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories