HomeXukuumadda Somaliland oo Saxaafadda uga digtay Ka-hadalka Arrimaha Ciidanka Qaranka

Xukuumadda Somaliland oo Saxaafadda uga digtay Ka-hadalka Arrimaha Ciidanka Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka uga digtay ka-hadalka iyo buun-buuninta wararka la xidhiidha Ciidamada Qaranka oo maalmihii u dambeeyey saxaafadda qaarkood ka baahiyeen warar aanay bulshadu ku diirsan.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa maanta soo saartay war-qoraal ah oo ay digniin ugu jeedisay warbaahinta madaxa-bannaan qaarkood oo la magac-dhabay, kuwaas oo loogu baaqay inay ka feejignaadaan ka hadalka arrimaha Ciidamada .

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab) oo soo gaadhay war-qabadka Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:-

“Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay, waxa ka dhaxeeya heshiis wada shaqeyneed oo ku dhisan ku dhaqanka xeyndaabka Dastuurka iyo Ilaalinta Xeerka Saxaafadda ee Lambar 27/2004 ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxana reebban faafinta wixii ka baxsan xuduudaha sharci ee u yaal dalka.

Waxaa Jira hay’ado Warbaahineed oo caadeystay qodqodista arrimaha Ciidammada Qaranka oo ay ka mid yihiin HCTV iyo BULSHO TV, kuwaas oo ku gefay una badheedhay Jebinta Xeerka Saxaafadda ee Lam/27/2004 qodobka 10aad ee qeexaya,MAS’UULIYADDA SAXAAFADDA, faqraddiisa 2aad iyo sidoo kale Qodobka 13aad ee tilmaamaya, RAADINTA XAQIIQADA,Faqraddiisa (a), oo ay ku cad yihiin gefafka ay ku kaceen Horn Cable Tv iyo Bulsho Tv.

Haseyeeshee waxa u bannaan oo uu isla Qodobka 13aad, faqraddiisa (b) ku waajibinayaa sida ay u saxayaan marka ay Warbaahini faafiso maclluumaad khaldan amase aan sugneyn sida kuwa aan kor kusoo xusnay oo kale.

Xogaha marin-habaabinta ee aan soo xusnay ee ay faafiyeen Horn Cable Tv iyo Bulsho Tv, waxa ay sidoo kale ku gefeen oo ayjebiyeen Qodobka 34aad, Faqraddiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qeexaya, WAAJIBAADKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA.

Sidaa awgeed, annagoo tixgelinayna Xeerka Saxaafadda ee Lam 27/2004, qodobka 13aad, faqraddiisa (b) waxan fursad u siinaynaa Horn Cable Tv iyo Bulsho Tv, in sida uu qodobkaasi dhigayo laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 27 Feb 2021, ay muddo laba maalmood gudahood oo ka bilaabanaysa taariikhda aan soo xusnay ay ku fuliyaan sida uu farayo qodobka 13aad, faqraddiisa (b) hadday dhegaha ka furaystaan sida uu farayo Xeerka Saxaafaddu waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah.

Ugu dambayn wasaaradda Warfaafintu waxay uga digaysaa dhammaan Warbaahinta qeybaheeda kala duwan oo ay ka mid tahay Mareegaha iyo baraha bulshadu, inay faraha kala baxaan arrimaha Ciidammada ee uu ka reebay Xeerka Saxaafaddu oo ujeeddada laga lahaa tahay, si aanu cadowgu wax uga ogaan sirta iyo xaaladaha gudaha ee Ciidammada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ciddii Ilaalin weyda ku dhaqanka Dastuurka dalka iyo Xeerka Saxaafadda, kana waantoobi weyda faragelinta arrimaha Ciidammada, waxa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharci oo aan ka noqosho lahayn.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories