HomeXukuumadda Somaliland oo Sanduuq Gaar ah u Furtay La-dagaalanka Cudurka COVID-19 iyo...

Xukuumadda Somaliland oo Sanduuq Gaar ah u Furtay La-dagaalanka Cudurka COVID-19 iyo Madaxweynaha oo Faahfaahiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xukuumaddu samaysay Sanduuq u gaar ah oo lagu dagaalamayo Cudurka Covid-19, taas oo uu sheegay inay xukuumad ahaan ku shubayaan lacag dhan 3 Milyan oo Dollar.

Madaxweynaha oo maanta Bulshada la hadlay, waxa uu ka digay halista uu leeyahay xannuunkani oo uu tilmaamay inuu u baahan yahay feejignaan gaar ah iyo isku-duubni bulsho, isaga oo ku taliyey in la kala fogaado, talada dhaqaatiirtana la qaato.

blank“Ma odhan karno meel walba weynu xidhaynaa waayo qof walba qol gaar ah uma helayno oo suurtogal ma aha, markaa haddii aynu xidhno waa dhibaato soo korodhaye innagu waxaynu qaadanaynaa aynnu dhibaatada yarayno, dhibaatadana waxaynu ku yarayn karnaa innaga oo qaadana talada dhakhaatiirta oo intii suurtogal ahba la kala fogaado.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale bulshada ugu baaqay inay guryahooda ku cibaadaystaan, kana dheeraadaan goobaha masaajiiddada si looga fogaado isu ururka bulshada, isaga oo culimada iyo dadka kaleba ugu baaqay inay raacaan talada dhakhaatiirta iyo guddida ka hortagga xanuunka COVID-19.

“Innagu waxaynu leenahay maadaama oo uu xanuunkii inagu jiro oo aynu hubno ururrada aynu masaajidku kamid yahaye dadku guryahooda haku tukadaan, masaajidkii marka intaas oo qof isugu timaaddo ee kii kaa horreeyey halkuu ku suguuday aad ku sujuuddo ee kii soo galay aad lasoo gasho Ilaahay baa inoo fasaxaye ma aha wax aynu diintii ku gefayno, inaynnu is fahmi weynonna ma ahee culimada iyo dadkoo dhanba waxaynnu leenahay caafimaadkeennii baa ku ege sida inoo roon ee guddidu inoogu talinayso aynnu yeelno,” ayuu yidhi madaweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada ugu bushaareeyey inay xukuumad ahaan fureen Sanduuq lagu ururinayo dhaqaalaha loogu talo galay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19, islamarkaana ay xukuumad ahaan ku shubeen qaddar lacag ah, waxana uu yidhi, “Waxan go’aaminnay in la furo Akoon lagu ururinayo wixii dhaqaale loo baahan yahay oo la isugu tago, dawlad, baayac-mushtar iyo ciddii kale ee ina caawinaysa ee adduunka ah oo halkaas lagu soo ururiyo oo loo diyaar garoobo haddii hawshu soo cusboonaato, dawlad ahaanna $3,000,000 (Saddex milyan) oo doollar baannu ku shubaynaa Akoonkaas oo aannu ka goynay mashaariicdii horumarka, gunnooyinkii iyo wixii kale ee la hakin karo ee dawladdu ay leedahay, uu dhaqaalaheeda saamaynayo dhaqaalaha istaagay.”

Ganacsatada iyo baayac-mushtarka ayuu sidoo kale madaxweynuhu ugu baaqay inay maalkooda iyo maskaxdoodaba kaga qayb-qaataan halganka lagula jiro xanuunka covid-19, una damqadaan bulshadooda, “Tujaarta iyo baayac-mushtarka waxa la farayaa haddii ay sekedoodii tahay iyo sadaqo iyo waxtarba inay maanta dadka la gurmad galaan oo xoolahooda kula hawl-galaan dawlad iyo shicibba in xanuunkaas laga hortago, qaar kasoo jawaabayna way jiraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si qoto dheer oo cilmiyeysan uga hadlay arrinta qaadka oo bulshada dhibaato ku haya iyo joojintiisa, waxana uu caddeeyey inaan lagu joojin Karin laab la-kac iyo caaddifad, balse loo baahan yahay go’aamo lagu midaysan yahay oo si hufan loo lafo-guray, si dhibaato la’aan loo joojiyo qaadka.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories