HomeXukuumadda Somaliland oo Ruqsadda kala Noqotay Shirkad Xad-gudub Sharci lagu eedeeyey

Xukuumadda Somaliland oo Ruqsadda kala Noqotay Shirkad Xad-gudub Sharci lagu eedeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa liisankii ay dalka kaga shaqaynaysay kala noqotay Shirkad lagu magacaabo Integrated Shipping Services oo ka mid ah Wakiillada Maraakiibta ku soo xidha dekedda Berbera.

Shirkadda Integrated Shipping Services oo xafiiskeedu ku yaallo magaalada Berbera, ayaa lagu eedeeyey inay ku xad-gudubtay shuruucda dalka, kaddib markii sida la sheegay ay shirkaddu u fududaysay inuu gudaha Dekedda Berbera soo galo Madaxa shirkad laga leeyahay dalka Ethiopia oo lagu magacaabo Ethiopian Shipping and Logistic Services Enterprise (ESLSE).

blank
Madaxa shirkadda ESLSE oo xubno kale oo ku sugan gudaha Dekedda Berbera

Wareegto uu maanta soo saaray Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa lagu sheegay in, wasaaradda oo tixgelinaysa codsi uga yimi Hay’adda Dekedaha Somaliland, ay liisanka kala noqotay shirkadda Integrated Shipping Services oo sarkaalka ka tirsan shirkadda ESLSE u fududaysan inuu gudaha u soo galo dekedda Berbera iyadoo aanay dowladda Somaliland ka war-qabin.

Wareegtada Wasiirka Ganacsiga oo lagu socodsiiyey shirkadda Integrated Shipping Service, laguna war-geliyey Hay’adda Dekedaha, Maamulka Gobolka Saaxil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo lagu sheegay in Liisanka shirkaddan oo tirsigiisu yahay 46 uu dhacay 23-ka bishii February ee sannadkan.

blankWareegtada Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo Ciwaan looga dhigay “Kala Noqosho Liisan” oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Somalilandpost.net, waxa lagu go’aamiyey sidan:- “Tixraac warqad sumaddeedu lahay SPA/GM/1119/202, kuna Taariikhaysan 14/7/2021 nuxurkeeduna yahay in shirkadda Integrated Shipping Services ay ku xad gudubtay shuruucda dalka ayaga oo soo galiyay dekeda Berbera madaxa Ethiopian Shipping and Logistics Service Enterprise ayada oo dawladda Somaliland wax war ah ka hayn. Intaa waxa dheer in Iiisanka shirkada Integrated Shipping Services uu dhacay 23/2/2021.

Wasaaraddu iyada oo fulinaysa dalabka Hay’adda Dekadaha Somaliland oo u xilsaaran maamulka dekedaha, waxay kala noqotay shirkada Integrated Shipping Services oo liisanka Ianbarkiisu yahay 46.

Waxay Wasaaraddu amraysaa in liisankaas wax macaamil ah lagu fulin karin laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/7/2021.” Sidaas ayaa lagu yidhi wareegtadan uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

blank
Guddoomiyaha shirkadda ESLSE Mr Roba Megerssa

Dhinaca kale, Isniintii toddobadkii hore oo ku beegnayd 05 July 2021, waxa dekedda Berbera ku soo xidhay Markab lagu magacaabo GIBE oo laga leeyahay dalka Ethiopia, kaas oo noqday markabkii u horreeyey noociisa ee laga leeyahay Ethiopia ee ku soo xidhay dekedda Berbera. Markabka ayaa la sheegay inuu siday 11,000 Tan oo badeecado kala duwan ah.

Markabka MV GIBE ayaa markii uu ku soo xidhay dekedda lagu qaabilay xaflad soo-dhaweyn ah maadaama ay tahay markii ugu horeysay dekedda Berbera, waxaana masuuliyiintii soo-dhaweyntiisa ka qayb-galay ka mid ahaa Safiirka dowladda Ethiopia u fadhiya caasimadda Somaliland ee Hargeysa Siciid Maxamed Jibriil, guddoomiyaha shirkadda ESLS, Mr Roba Megerssa iyo Masuuliyiin ka tirsan DP World oo sawirro ku galay gudaha Dekedda Berbera, sida aanu ka soo xigannay mareegtada shirkadda Ethiopian Shipping and Logistics Services Enterprise (ESLS).

blank
Mr Roba Megerssa iyo Xubno kale oo ku sugan gudaha dekedda Berbera

Markabkan oo Dekedda Berbera ay keentay shirkadda Integrated Shipping Services oo ka wakiil ah, ayaa ka mid ah Dhowr Markab oo isaga kala dhex-goosha Dekedaha dalalka ku yaalla Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, kuwaas oo maamulkooda ay gacanta ku hayso shirkadda Ethiopian Shipping and Logistic Services Enterprise, sida ay shabakadda wararka Somalilandpost ka soo xigatay Website-ka shirkada ESLSE.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories