HomeXukuumadda Somaliland oo Qirtay in Guddiga Cadaaladdu Qayb ka tahay Cadaalad-darrada ka...

Xukuumadda Somaliland oo Qirtay in Guddiga Cadaaladdu Qayb ka tahay Cadaalad-darrada ka taagan Garsoorka dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

xuseenHargeysa (SLpost0)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Dalka, ayaa qiray inay jiraan gol-daloolooyinka cadaaladeed oo ku jira garsoorka dalka oo uu si faahfaahsan u sharraxay, balse waxa uu soo bandhigay sababo uu ku dooday inay horseed u yihiin dheeli-tirnaan haysta dhammaystirka hawl-qabadka garsoorku u hayo bulshada.

Wasiirka Cadaaladda Somaliland waxa kale oo uu Qiray in Guddiga Cadaaladdu qayb ka tahay tabashooyinka laga tirsado dhinaca Garsoorka, isaga oo sheegay inay guddigu ku kooban tahay oo kaliya garsooreyaasha Maxkamadaha Hoose, balse aanay awood u lahayn inay Xakameeyaan Garsooreyaasha Maxkamadda Sare, taasina ay meesha ka saarayso dheeeli-tirnaanta iyo ku-ilaalinta Shaqada ee Garsooreyaasha, waxaanu soo jeediyey in la kala saaro Guddiga Cadaaladda iyo Maxkmadda sare ee dalka.

Waxa uu Md Xuseen Axmed Caydiid sheegay in mar kasta ay jirto cabasho ka timaadda go’aamada maxkamadaha dalka soo baxa ee lagaga garsooro dacwadaha laba dhinac u dhexeeya, taasina ay ku timi caqabado iyo duruufo gasoorka dalku soo maray oo saamayntooda wali jirto, kuwaas oo uu sheegay inay duruufo dhaqaale-la’aaneed iyo agabka yaraan ka mid yihiin, taasina ay sababtay inay garsooreyaashu nolol maalmeedkooda ka raadiyaan laba dhinac ee dacwaddu u dhexayso.

“Sideedaba gari laba nin kama wada-qosliso, haddii xataa caddaalad la sameeyo, dhinac uunbaa caban doona oo garta laga helay aan ku faraxsanayn. Wayse dhici kartaa cabashooyin caddaalad-darro ahi inay dhinci karaan. Garsoorkeenna waxa laga bilaabay meel aan jirin, oo aanu lacagba qaadan jirin mararka qaarkood; qof laba dhinac u gar-naqaya oo soo kallahaya, dee caddaalad maxaad ka filaysaa haddaanu waxba qaadan jirin?! Waxa uu garsoorkeennu ku bilaabmay dad bilowgii soo yab-yabay oo xataa aan aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda aan midnaba la eegin, calaf (Mushahar) yaraan buu ku bilaabmay, agab-yaraan buu ku bilaabmay oo kolley caddaaladdeennu mid iska ciir-ciiraysa ayay ahayd,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Md Xuseen Axmed Caydiid oo u warramayey Telefishanka Universal.

Md Xuseen Axmed Caydiid oo ka hadlayey qaabka lagu waajihi karo xal laga gaadho cabashooyinka bulshadu ka tirsato Garsoorka dalka, waxa uu yidhi, “Meelaha Caddaaladda wax ka taraya waxa ka mid ah, in qofka calafkiisa la kordhiyo oo laga madax-banneeyo dhinacyada uu u garnaqayo, in Aqoontiisa la kordhiyo, in agabkiisa la kordhiyo. Waxa kale oo ka mid noqonaysa qawaaniinta oo wax laga beddelo lana cusboonaysiiyo; cabashooyin waa jiraan oo waanu ka garaabaynaa, laakiiin intaas oo wax laga qabto ayaa wax ka tari karta cabashooyinka cadaaladda.

Mushaharkoodii waa la kordhiyey, Aqoontoodii waa la kordhiyey. Halkii Markii aanu dib-u-habaynta ku samaynaynay garsoorka 2011-dii, garsoorayaashii xilligaas shaqada hayey oo 121 tiradooda lagu qiyaasayey, wax aan tiradoodu toban gaadhin baa lagu tirinayey inay qaateen Aqoon ka sarreysa dugsi sare. Maantana iyagoo boqol iyo todobaatan maraya garsoorayaasha maxkamadaha hoose, siddeed iyo Sagaashan (98) ayaa ah Digrii. Calafkii (Mushaharkii) waxbaa laga kordhiyey oo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare waxay la mid yihiin Goleyaasha. Garsooreyaasha Maxkamadaha Hoose wali ma gaadhin halkaanu la hiigsanaynay iyo wax u dhow toona. Marka intaas loo helo Garsoorka, waxa ka dhiman in loo helo adeeggii lagu ilaalin lahaa.”

Waxa kale oo Wasiirka Cadaaladdu ka hadlay Madax-bannaanida Guddiga Cadaaladda ee dalka ka kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Laba Garsoore oo Maxkamadda ka tirsan iyo Xeer ilaalinta Guud, waxaanu soo jeediyey inuu aragti ahaan qabo in la kala saaro Guddiga Cadaaladda iyo Maxkamadda Sare.

Wasiirka oo la weydiiyey kalsoonida lagu qabi karo madax-bannaanida Guddiga Cadaaladda maadaama ay xubnahoodu ka tirsan yihiin Dowladda, waxa uu kaga dhawaajiyey inuu shakhsi ahaan aaminsan yahay isla markaana uu ka garaabyo tabashooyinka laga tirsato Guddiga Cadaaladda, isaga oo sheegay inay habboon abuuritaanka Guddiga madaxi-bannaan oo hab-dhaqanka wanaagsan ku ilaaliya Garsooreyaasha Maxkamadaha dalka oo kuwa Maxakamadda sare ku jiraan.

Isaga oo Arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Guddiga Cadaaladdu waxa cidda hab-dhaqanka garsooreyaasha qaabilsan, iyaguunbaa shaqadka qori kara, iyaguunbaa shaqada ka eryi kara. Waxaanse ka garaabayaa oo runtii aan qabaa in la kala saaro oo la kala madax-banneeyo Guddiga Cadaaladda iyo Maxkamadda sare. Waxaan taa u qabaa, guddiga cadaaladdu waxay leedahay darajooyinkii Racfaanka ayaa yimaadda Maxkamadda Sare, markaa iyadu intii Itaalkeeda ah inay ku saxda aqoontaa xeerarka lagaga go’aan gaadhay inay saxdo halkay dacwaddu ka qalloocatay darajooyinka (maxkamadaha) hoose.”

Wasiirku waxa uu iftiimiyey cadaalad-darro ka dhex-jirta Bahda Garsoorka dalka oo Guddiga Cadaaladdu sababta u tahay, waxaanu yidhi, “Laakiin tan kale (Guddiga Cadaaladda) hab-dhaqanka Garsooreyaasha; waayo waxaan qabaa garsooreyaasha maxkamadda sare laftoodu inay u baagan yihiin inay Guddiga Cadaaladdu ilaaliso hab-dhaqankooda. Maanta, Garsooreyaasha Maxkamadda sare way ka madax-bannaan yihiin oo (Guddiga Cadaaladdu) ma ilaaliyaan. Guddiga Cadaaladdu waxay u xil-saaran yihiin Garsooreyaasha Maxkamadaha Hoose iyo Xeer-ilaaliye ku-xigeennada.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories