HomeXukuumadda Somaliland oo qaramaysay ciidamadii iyo tiknikadii ugu badneyd ee nabad-diidka Khaatumo...

Xukuumadda Somaliland oo qaramaysay ciidamadii iyo tiknikadii ugu badneyd ee nabad-diidka Khaatumo ka soo goosta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Fiqifuliye (SLpost)   Weftigii Xukuumadda ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta degmadda Fuqifuliye ee gobolka Sanaag oo 80km dhinaca koonfur bari kaga beegan magaaladda Ceerigaabo ku soo dhaweeyay in ka badan lix Boqol oo ka mid ah kooxaha nabad diidka ah ee Khaatumo, kuwaasi oo wada hadal dheer ka dib maanta si rasmi ah ugu soo biiray ciidanka qaranka. Waxaanay wateen 13 Gaadiidka Tiknikadda ah.

Image 2013-07-21 1

Maleeshiyadan laxaadka leh ayaa iskugu jirta kuwo la qarameeyay iyo sida la sheegay kuwo la nabadeeyay.
Garaad Cabdilaahi Maxamed Guulleed oo ka mid ah isimmadda Beesha deegaankaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay maleeshiyadii ugu badnayd ay ku qarameeyeen ciidammadda qaranka Somaliland ka dib wada hadal dheer oo sida uu tilmaamay ay ka dhalatay is fahamImage 2013-07-21 2 buuxa.

Garaad Cabdilaahi Maxamed waxa uu intaasi ku daray inay ku qanacsan yihiin Somaliland, isla markaana ay safka hore kaga jiraan bulshadda difaacaysa qaranimadda Somaliland, waxaanu xusay inay dadkooda dhinac ka raacayaan. Garaadku waxa uu u mahad naqay cid kasta oo ka soo shaqaysay hawshan midho dhashay.

u_105518d_2013-7-20-14-24-55f_tikniko

Horjoogihii ama Taliyihii watay ciidankan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida Somaliland u soo dhawaysay isla markaana uga midho-dhalisay wada xaajood muddo qaatay oo uu xusay inay la yeesheen xukuumadda Somaliland. Waxa uu carabaabay in diyaar u yihiin inay ciidanka qaranka ka mid noqdaan.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka hadlay madashaasi ayaa bogaadiyay maleeshiyadan oo ah tii ugu tiro badnayd ee ka soo goosata kooxaha nabad diidka ah, waxaanu tilmaamay in arrintani ay fursad wanaagsan siinayso dedaaladda xukuumaddu ku doonayso inay nabad waarta ka islaaxiso goboladda bari ee dalka.

Wasiirka madaxtooyaddu waxa uu u balan qaaday ciidankan cusub inay heli doonaan dhammaan xuquuqda ay helaan ciidanka qaranka Somaliland. Waxaanu ku booriyay kooxaha baaqiga ku sii ah nabad diidka ah inay ka faa’iidaystaan fursadda nabada iyo horumarka.

Sidoo kalen waxa kulankaasi ka hadlay Wasiirul dawlaha nabadeynta gobolada bari Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Taliyaha Ciidanka qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan Shaqalle.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories