HomeXukuumadda Somaliland oo Qaadday Tallaabooyin lagu Xakamaynayo Sicir-bararka Maceeshadda iyo Shidaalka

Xukuumadda Somaliland oo Qaadday Tallaabooyin lagu Xakamaynayo Sicir-bararka Maceeshadda iyo Shidaalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay tallaabooyin ay qaadday oo lagu xakamaynayso sicir-bararka maceeshadda iyo Shidaalka ee ka jira dalka, kaas oo saamayn weyn ku yeeshay nolosha bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa fadhigii maanta ee Golaha wasiirrada ka hor akhriyey Warbixin ku saabsan xaaladda dalka ee khuseeya korodhka ku yimi qiimaha maceeshadda iyo tallaabooyin ay xukuumaddu qaadday.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagu faahfaahiyey arrimaha lagaga hadlay Fadhiga 92aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay si wada-jir ah u shir-guddoominayeen madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa u lagu sheegay in fadhiga maanta lagaga hadlay qodobbo door ah oo taabanaya nolosha Bulshada.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Golaha waxa loo qaybiyey qabyo-qoraalka xeerka Ciidanka Dab-damiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu soo diyaariyey xafiiska Garyaqaanka guud ee Qaranku, xeerkan oo ah mid muhiimad gaara u leh Ciidanka Dab-damiska iyo qabyo-qoraalka xeer nidaamka dhismaha Madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo diyaariyeen xafiiska Garyaqaanka Guud, Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, iyagoo Garyaqaanada xeerarkan soo diyaariyey ay golaha u sharraxeen cutubyada ay labadan xeer ka kooban yihiin iyo meelaha uu ahmiyadda saarayo.

Sidoo, kale Goluhu waxa uu war-bixino ka dhaqaystay wasiirrada wasaaradaha Gaadiidka iyo Jidadka, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka, Horumarinta Biyaha iyo Waxbarashada iyo sayniska oo dhammaantood ka soo guryo noqday safarro ay ku tageen dalalka Sweden, Norway, Kenya, Turkey iyo Maraykanka, kuwaas oo golaha la wadaagay safarradii ay dalalkaasi ku soo mareen iyo guulihii ay ka soo hooyeen munaasibadihii xuska 18 May ee ay kala qayb-galeen bulshada Reer Somaliland ee ku dhaqan wadamadaa.

blankWasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa golaha uga warbixiyey xaaladda sicir-bararka ee dalka ka taagan, sababaha keenay iyo tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadday oo ay barbar socdaan qorsheyaasha qaran ee xukuumaddu wax kaga qabanayso mustaqbalka. Wasiirku waxa uu sheegay inay jirto kor ukac ku yimi qiimaha cuntooyinka quutal daruuriga ah iyo shidaalka bulshadu isticmaasho, iyadoo qiime kacaasina ka yimi waddamada caalamka xaalado jira aawadood.

Korodhka ku yimi qiimaha maciishadda iyo daruuriyaadka kale, ayuu wasiirku mid mid golaha ugu akhriyey, waxana uu caddeeyey in Bariiska 25 kg qiimihiisu marayo $17, Sonkorta 25kg ay marayso $17, Daqiiqda 25Kg waxa ay maanta qiimaheedu maraysaa $17, Saliidda cuntada 9 litir, waxa ay maraysaa $14, Baastada 10Kg, ayuu qiimaheedu marayaa $11, halka shidaalka Halkiisa litir, uu maanta marayo 97,000 oo shilin Somaliland ah.

Sababaha keenaya sicir-bararka, ayuu sidoo kale wasiirku sharraxay, waxana uu tilmaamay in inta badan sicir-bararka Somaliland ka jiraa uu yahay mid dunida kale ka yimi, sababo la xidhiidha xanuunkii Covid-19 ee dunida ka dhacay iyo dagaalka muddada ka dhex socda waddamada Ruushka iyo Ukrain, iyada oo waddamo badan oo caalamka kamid ahina ay joojiyeen cuntooyinkii ay dibadda u dhoofin jireen.

blankTallaaboyinka ay xukuumaddu qaadday tan iyo intii uu sicir-bararkani dunida ka dhacay, ayuu wasiirku mid mid u sharraxay, waxana ay xukuumaddu qaadday tallaabooyinkan soo socda.

1. Wasiirku waxa uu sheegay inay cashuur dhaaf u sameeyeen dhammaanba qalabka iyo agabka beeraha ee dalka la keenayo iyo wershadaha cuntadaba.

2. Afar shay oo waaweyn oo nolosha bulshada muhiim u ah ayaa cashuurtii laga dhaafay Boqolkiiba toban (10%), kuwaas oo kala ah Bariiska, Sonkorta, Daqiiqda iyo Saliidda.

3. Waxa la dhiirrigeliyey wax soo saarka dalka, waxana miisaaniyadda qaranka sannadkan la geliyey lacag dhan Afar Bilyan oo Somaliland shilin ah. Kuwaas oo kala ah mashruuca Wajaale, Beer iyo Oodweyne, mashruuca Cilmi-baadhista iyo fidinta, mashruuca ilaalinta cudurrada dhirta iyo mashruuc aannu ugu talo galnay inaanu beeralayda wax kaga iibsanno xilliga dalaggu usoo go’o si aanu sicirku hoos uga dhicin.

4. Waxa la ilaaliyey qiimaha shilinka Somaliland oo meel sugan oo aanu hoos uga dhicin lagu fadhiisiyey muddo afar sanno ah.

5. Waxa kor loo qaaday xaddiga sulfer ka shidaalka dibadda inooga imanaya, maddaama ka sulfer ka sarreeyaa ka jaban yahay ka kale.

6. Waxa xukuumaddu raashin taakulo ah u qaybisay 58,620 (Siddeed iyo konton kun lix boqol iyo labaatan) qoys, oo u dhiganta 351,720 qof.

Wasiirku waxa uu soo jeediyey in lasii wado dhammaanba tallaabooyinka ay xukuumaddu ku yaraynayso sicir-bararka, dadkana lagu dhiirrigeliyo inay dhulkooda beertaan, ganacsatadana lagu adkeeyo inay dhulkooda maalgashadaan, dadkooda danyarta ahna u naxariistaan oo aanay ka gudbin xadka.

Ugu dambayntii, waxa uu goluhu go’aamiyey in bulshadu ay kordhiso wax-soo saarkeeda dhinaca Beeraha, in cuntada ay kamidka yihiin Bariiska, Sonkorta, Daqiiqda iyo Saliida lasii wado cashuur-dhaafka ay xukuumaddu u samaysay, in ganacsatadu ay maalgashadaan dalkooda si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha iyo in xukuumadda iyo ganacsatadu ay isla eegaan qiimaha badeecadda.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories