HomeXukuumadda Somaliland oo mustaafurisay Shaqaale Ajaanib ah oo ku kacay Fal-dambiyeed amniga...

Xukuumadda Somaliland oo mustaafurisay Shaqaale Ajaanib ah oo ku kacay Fal-dambiyeed amniga dalka liddi ku ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa dhawaan dalka ka mustaafurisay saddex sarkaal oo ka tirsan Hay’adda EUCAP oo ka shaqaysa Arrimaha Badda Soomaaliya isla-markaana Xafiis ku leh Magaalada Hargeysa.

blankSida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka gaabsaday in magacooda la xuso, xukuumadda Somaliland ayaa tallaabadan qaadday, ka dib markii Hawl-wadeennada Hay’adda EUCAP ee Xafiiskeeda Hargeysa oo dhamaantood Ajaanib ahi ay ku kaceen Fal-dambiyeed noociisu ugub ku yahay dalka, kaas lagu sheegay inay Gaadiid ay leedahay Shirkadda Shidaal baadhista ee BGP ay ka furteen taarikada iyagoo ku xidhay gaadiid ay isticmaalayaan si ugu qarsadaan isla-markaana ugu fushadaan hawlo gaar ah oo waxa ay yihiin aan laga war-qabin.

Sida xogahani tixaabeen, Hawl-wadeennada Xafiiska hay’addu ku leedahay Hargeysa, ayaa falkan ku kacay bishii February ee sanadkan 2021, iyagoo  sifo Sharci-darro ah u adeegsaday saddex Taariko oo ku xidhnaa Gaadiidka shirkaddaas iyo mid uu leeyahay qof shacab ah.

“Saddexda Taariiko laba ka mid ah waxa lahaa oo ay ka furteen Shirkadda sahaminta shidaal ee magaceeda loo soo gaabsado BGP, halka 1 Taarikana uu lahaa qof shicib ah oo ilaa hada  u xaniban Bilaydh Lambarkiisa, kaasi oo sidoo kale ka Cabsi qaba in fal-dambiyeed lagu galo.

Warku waxa uu intaas ku daray in Dowladda Somaliland oo ka jawaabaysa falka noocaas ah, ayaa  dalka ka mustaafurisay saddex ka mid ah Lixda Qof ee ku lugta lahaa fal-dambiyeedkan oo ah mid khatar ku ah amniga dalka.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda EUCAP, Keith Murray, ayaa 21-kii June ee sanadkan 2021 booqasho ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu kulamo la yeeshay masuuliyiin iyo sarakiil sarsare oo ka tirsan laamaha amniga Somaliland, kuwaas oo uu ka codsaday in dambigaa laga dhaafo hay’adda mar haddii ay dowladdu masaafursay 3 ka mid ah 6 qof ee loo haystay kiiskan, lana cafiyo saddexda Qof ee weli dalka ku sugan, maaddaama oo sida la sheegay ay soo celiyeen laba ka mid ah Bilaydh Lambarrada ay sida sharci-darrada ah u adeegsadeen.

Sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyada ay warbaahintu ka heshay warkan, in kasta oo aan la ogeyn in Xukuumaddu ka aqbashay Codsigaas, balse ay weli dalka gudihiisa ku sugan yihiin saddex ka mid ah shaqsiyaadkii lala xidhiidhiyay falkaas, kuwaas oo magacyadoodu lagu kala sheegay Erik Kallman, Athanasios Seretis iyo Andrew Carbino.

Sidoo kale, lagama war-qabo hawlaha rasmiga ah ee ay Xilligan Gacanta ku hayaan xubnaha EUCAP ee lagu eedeeyey fal-dambiyeedkan oo lid ku ah ammaanka guud ee dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories