HomeXukuumadda Somaliland oo Muddo Sannad ah Qiimo-dhimis u Samaysay Cashuurta Raashinka La...

Xukuumadda Somaliland oo Muddo Sannad ah Qiimo-dhimis u Samaysay Cashuurta Raashinka La Soo Dejiyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa muddo lix bilood ah ku kordhisay qiimo-dhimis ay bilowgii sannadkan u samaysay cashuurta Raashinka Daruuriga ah ee dalka dibaddiisa laga keeno.

Cashuur-dhimista wasaaraddu samaysay oo dhan Boqolkiiba 10 oo ka bilaabmayay bishii January ee sannadkan ilaa bishii June, ayaa muddo lix bilood oo kale ah lagu daray kaddib markii wax isbeddel ahi ka iman waayey xaaladda siyaasadeed ee dunida iyo dagaalka ka socda dalka Ukraine oo sababay sicir-barar saamayn ku yeeshay caalamka.

Wareegto 2-dii bishan ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, ayaa loogu baaqaya Ganacsatada soo dejiye raashinka Bariiska, Daqiiqda, Sonkorta iyo Saliidda inay xisaabta ku darsadaan qiimo-dhimista cashuurta loo sameeyey oo ay ku jaan-gooyaan qiimaha ay Shacabka wax kaga iibinayaan.

Wareegtada oo lagu socodsiiyey dhammaan hay’adaha dowladda oo ku-shaqada leh, ayaa u qornayd sidan:- “Wasaaradda Horumatinta Maaliyadda JSL iyada oo ka duulaysa culaysyada dhaqaale ee ay uugu weyn yihiin sicir-bararka iyo cunto-yaridu, kuwaas oo ay keeneen duruufaha siyaasaddeed iyo nabadgalyo ee dunida iyo gobolkaba ka jira.

Waxa ay lix bilood oo kale ku dartay cashuur-dhimis dhan 10% (boqolkiiba toban) oo ay u samaysay cuntooyinka daruuriga ah sida:

  1. Bariiska
  2. Daqiiqda
  3. Sonkorta
  4. Iyo Saliida.

Sanadkan bilawgiisii ayey Wasaaraddu cashuur-dhimis u samaysay Cuntooyinka daruuriga ah, taas oo ku ekayd January-June/2022. Balse mar hadii xaaladu ka soo rayn weyday Wasaaraddu waxa ay garatay in ay lagama-maarmaan tahay in la sii wado cashuur-dhimista sanadka in ta hadhay, taas oo macnaheedu yahay in Cuntooyinka aasaasiga ah loo sameeyey cashuur-dhimis sanadka oo dhan. Waxase xusid mudan in ay doorkan ku jirto saliiddu, taas oo aan markii hore la socon waxyaabihii loo sameeyey cashuur-dhimista.

Ugu danbayn, waxa aanu u sheegaynayaa ganacsatada soo dejiya Cuntooyinka aasaasiga ah ee ku xusan wareegtada Wasiirka Wasaaradda Horumatinta Maaliyadda, in ay dhinacooda xisaabta ku darsadaan marka ay jarayaan qiimaha ay ku wax kaga iibinayaan bulshada, iyadoo Hay’addaha Dawladda ee ay arintani khusaysaana qiimayn joogta ah ku samayn doonaan.” Sidaas ayay u qornayd Wareegtada uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories