HomeXukuumadda Somaliland oo muddeysay Xilliga ay Wareejinayso Dekedda Berbera iyo Bilowga Ballaadhinteeda

Xukuumadda Somaliland oo muddeysay Xilliga ay Wareejinayso Dekedda Berbera iyo Bilowga Ballaadhinteeda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ABIDJAN (SLpost)- Xukuumadda Somaliland oo wakhtigan wada-hadallo kula jirta shirkado danaynaya maal-gelinta Dekedda Berbera, ayaa shaaca ka qaadday inay dhammaadka sannadkan soo gebo-gabaynayso kala-xulashada shirkaddii la wareegi lahayd gacan-ku-haynta dekedda, isla markaana ay rejaynayo in horaanta sannadka dambe la bilaabo dhismaheeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo xilligan socdaal ku jooga magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast oo uu kaga qayb-galay shir-sannadeedka Baanka Horumarinta Afrika, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland wakhtigan wada-hadallo ay ku kala xulanayso kula jirto Shirkadda Faransiisak laga leeyahay ee Ballore, shirkadda fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee Mediterranean Shipping Company (MSC) iyo shirkadda DP World oo saldhiggeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

“Saddexdaasi waa ugu waaweyn shirkadaha ku shaqada Maamulka Dekedaha ee xilligan danaynaya horumarinta dekedda Berbera. Dhammaantoodba wada-hadallo ayaanu la yeelannay,” waxa uu wasiirku sidaas ku sheegay waraysi uu Arbacadii siiyey Wakaaladda Wararka ee Reuters xilli uu ku sugnaa shirka Baanka Horumarinta Afrika oo ka socda dalka Ivory Coast.

Wasiir Biixi oo hadalkiisa sii watay, wuxuu yidhi, “Laakiin ilaa hadda go’aan maanu gaadhin, waxaanu ku hawlannahay sidii aanu u daraasadayn lahayn dhinac kasta.”

Waxa uu wasiirku ku sheegay waraysigan in ujeeddada qorshaha Horumarinta Dekedda Berbera tahay sidii ay u noqon lahayd marin-ganacsi badeecaduhu uga soo dagaan, ugana dhoofaan dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Itoobiya oo dhaqaalihiisu koboc ballaadhan samaynayo sannadba sannadka ka Dambeeya.

Dalka Itoobiya oo ka mid ah waddamada qaaradda Afrika ee aan lahayn Badda, ayaa baahi-weyn u qabta marin-ganacsi ka qayb-qaata koboca dhaqaalahooda, waxaanu wakhtigan si xooggan ugu tiirsan tahay dekedda Jabuuti

“Ma doonayaan in baahidoodu (Itoobiya) ku xidhnaato meel kaliya,” Sidaas waxa yidhi Wasiir Maxamed Biixi, waxaanu intaas ku daray in Somaliland heshiis is-faham la saxeexatay Dowladda Itoobiya sidii dekedda Berbera u noqon lahayd marin badeecaduhu u soo maraan, ugana dhoofaan.

“Tani waxay u baahan tahay in la hirgeliyo Mashruuca Berbera Corridor oo ah Waddo isku xidha Berbera ilaa Xuduudka Itoobiya. Sidoo kale, waxaanu ka fekeraynaa sidii loo samayn lahaa waddo Tareen,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu ka hadlay wada-xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay inay rejaynayaa sidii dib loogu bilaabi lahaa bilaha soo socda, waxaanu baaq u jeediyey waddamadii u horreeyey bilaabay dhex-dhexaadin labada waddan inay mar kale ku soo laabtaan isla markaan qayb ka noqdaan geeddi-socodka wada-xaajooyada.

“Markii aanu wada-xaajoodyada bilownay, waxa nala joogay Norway, UK, Midowga Yurub. Sidaa awgeed, waxaanu dalalkaas waydiisanaynaa inay mar kale ku soo laabtaan oo ay ka qayb-qaataan dhex-dhexaadinta,” Sidaas ayuuu yidhi Md Maxamed Biixi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories