HomeXukuumadda Somaliland oo Muddaysay Qanadaraas loogu tartamayo la-wareegista Haamaha Shidaalka ee Magaalada...

Xukuumadda Somaliland oo Muddaysay Qanadaraas loogu tartamayo la-wareegista Haamaha Shidaalka ee Magaalada Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 29 February (SLpost)-Wasiirka Ganacsiga Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wakhtiga la bilaabayo tartan loo galayo la wareegista maamulka haamaha shidaalka ee magaaladda Berbera oo bishii May ee sannadkii hore ay xukuumaddu gacan-ku-hayntooda kala wareegtay Shirkadda TOTAL oo tobanaan sanno maamulaysay hawlaha Haamaha Shidaalka.

Wasiirka waxa uu sheegay inuu hadda gebo-gabo yahay qorshihii Xukuumaddu ku ballan-qaadday inay haamaha Shidaalka ee magaalada Berbera ay ku wareejinayaan Shirkad madaxbannaan oo waddani ama Ajaanib ah.

Mr. Khaliif waxa kale oo uu sheegay inay natiijo wax ku-ool ahi uga soo baxday guddigii afarta wasaaradood ka koobnaa ee loo xil-saaray qiimaynta iyo talo-bixin ay ka soo saaraan xaaladda Haamaha iyo Cidda lagu wareejinayo. “22kii May 2011 waxa soo baxday wareegto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), haamihii shidaalka uu ku hoos keenay wasaaradda Ganacsiga,Warshadaha iyo Dalxiiska iyada oo lagu baa’inayey heshiisii hore ee u dhexeeyey dawladda iyo shirkadii Total, sababuhuna ay ahayeen sababo dhankooda ka yimi oo wax xumaan iyo wax dhaliila oo aynu ku lahayn aanay jirin,” waxa uu wasiirku sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey telefishanka HCTV. Waxa uu inta sii raaciyey hadalkiisa, “Isla xilligaa madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddi ka kooban afar hay’adeed oo dawlada ah oo ay wasaaradda ganacsigu ay madax u tahay oo ka kooban wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda qandaraasyadda Qaranka. Guddigaasi muddo waxay wadeen qiimayn iyo talo bixin ay ku soo talo-bixinayaan, xaaladda jirta darteed sidii wax looga qab lahaa. Iyadda oo arrinta laga duulayo waxa uu madaxweynuhu helay talo-bixin ay u soo jeediyeen guddiga dajinaysay miisaniyadda dalka oo iyadana siyaasadii guud ee ay ka lahayeen dhinicii dhaqaalaha oo ahayd meelihii ay ka talo-bixinayeen.”

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha Somaliland Md Cabdirisaaq, waxa uu sheegay talo-bixin ay soo jeediyeen wax lagu saaray siyaasadii guud ee dawladda ee dhaqaalaha sannadkan in haamihii shidaalka ee Berbera hay’addo madaxbannaan lagu wareejiyo, “Talo-bixin ay soo jeediyeen waxa lagu soo saaray siyaasaddii guud ee dawladda ee dhaqaalaha sannadkan in haamihii shidaalka ee Berbera in dawladdu maamul ahaan wixii laga qabanayo ay ku wareejiso hay’add madaxbannaan ama ha noqoto mid wadaniya ama ha noqoto mid ajinabiya oo la galayo qandaraas lagu bixiyo arrinta iyada ah.”

Wasiirku waxa uu xusay in ka-wasaarad ahaan ay ka dhammaatay qiimeyntii, talo-bixintii  iyo Qandaraaskii lagu bixinayey haamaha lana bilaabi doono bisha March horraanteeda, “Arrintaasna anaga ka wasaaradd ahaan iyo guddi ahaanba way naga soo dhammaantay qiimaynteedii talo-bixineedii iyo arrintii qandaraasku intiiba way naga soo dhammatay oo waxaanu rejaynaynaa si loo gaadho March haddii ILAAHAY idmo bisha inagu soo fooda leh oo beri bilaabmaysaa in hawsha iyada ahi ay bilaabi doonto, ayna suuro-gal tahay oo tartanbaa la qabanayaa  oo waxa looga baahan yahay heshiiska cidii buuxisa oo haddii ay noqdaan shirkadaheena maxaliga ah oo ciddii ku filan oo hawshan awoodeeda iska leh ay ku filaato oo ay noqoto cidda iyadu xaqa u yeelata, haddii cidkale oo ajinabi ahi noqoto oo mid walba heshiis lala gali-doono.”ayuu yidhi hadalkiisa raaciyey wasiirka Wasaaradda Ganagsiga iyo Warshaddaha Md Cabdirisaaq Khaliif.

Somalilandpost.net

Khadar Jaamac

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories