HomeXukuumadda Somaliland oo Mowqifkeeda U caddeysay Beesha Caalamka iyo Axsaabta Mucaaradka

Xukuumadda Somaliland oo Mowqifkeeda U caddeysay Beesha Caalamka iyo Axsaabta Mucaaradka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa farriin ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka u dirtay beesha Caalamka, axsaabta mucaaradka ah iyo Shacabka.

Xukuumadda Somaliland waxa ay beesha caalamka u xaqiijisay in nabadgelyada iyo xasiloonideedu yihiin mid ay shacabku samaysteen oo lama taabtaan ah, isla makaana uu dastuurka dalku ilaaliyey xuquuqaha ay muwaadiniinteeda.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland maanta, ayaa lagu sheegay in xukuumadda talada haysa lagu soo doortay nidaam dimuqraaddi ah oo ku yimi doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in xukuumaddu mowqifkeeda doorashooyinka ku caddeysay, kuna muddeysay shirkii u dambeeyey ee Golaha Wasiirrada oo lagu bayaamiyey in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ilaalinayso dhammaan wakhtiyada doorashada ee ay u asteeyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxa baaq loogu diray axsaabta mucaaradka ee Somaliland, waxaana lagu yidhi, “Xukuumadu waxay u soo jeedinaysaa xisbiyada mucaaridka ah inay raacaan sharciga, dastuurka iyo nidaamka doorashada oo ay ka waantoobaan wax kasta oo keeni kara qalalaase siyaasadeed ama rabshado. Tani waxay khatar gelinaysaa dadaalka dheer ee Somaliland ugu jirto hirgelinta nidaam dimuqraadda iyo dhismaha dowladnimada.”

Xukuumadda Somaliland waxa ay ugu dambayn baaq u dirtay shacabka Somaliland; “Ugu dambayntii, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u soo jeedinaysaa dhammaan muwaadiniinteeda sharciga u hoggaansan in ay la shaqeeyaan hay’adaha sharciga si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo ammaanka aan bilaashka ku iman ee qarankani leeyahay,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories