HomeXukuumadda Somaliland oo Markii u horreysay muddo Rubuc Qarni ah Dalka ka...

Xukuumadda Somaliland oo Markii u horreysay muddo Rubuc Qarni ah Dalka ka Hirgelinaysa Adeegga Sanduuqa Boosaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Adeegga Boosta oo muddo 22-sanno ah ka maqnaa Somaliland, ayaa markii u horeysay laga hirgelinayaa dalka, ka dib qorshe wasaaradda Is-gaadhsiinta iyo Boosaha Somaliland u dejisay in si rasmi ah looga Shaqayso adeegga Boostada.

Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland waxa ay shaac ka qaaday inay ka shaqaysiinayso waaxyso ka tirsan Wasaaraddaas oo markii hore magac ahaan u jiray iyo qaar cusub, kuna hawlan tahay qorshe lagaga shaqaysiinayo Waaxda Boosahaoo aan sidii Wasaaradda loo aasaasay la sameyn iyo tababaro loo fidinayo shaqaalaha ka hawl-gala wasaaaradda si aqoontooda loo kobciyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md Faysal Cali Sheekh oo madaxweyne Siilaanyo wasaaraddaas dhowaan u magacaabay, ayaa sheegay inay Wasaaraddu qaadanayso shaqaale cusub si loo tayeeyo Shaqada ay qabato iyo inay Xafiisyo ka furanayso Goboladda dalka oo dhan, si adeega maamulka Isgaadhsiinta dalka loo gaadhsiiyo.

Md Faysal Cali Sheekh oo xafiiskiisa ugu waramayay qaar ka mid ah warbaahinta waxa uu intaas ku daray in Dhismaha cusub ee wasaaradda loo dhisayaa uu bilow u yahay qorsheyaasha lagu dar dar gelinay shaqada ay Wasaaraddu qaranka u hayso oo aan halkii loogu tallo galay gaadhsiisnayn “Waxqabadkayaga waxaanu ka bilownay inaanu dib u habeyn ku sameyno shaqada wasaaradda, waxa dhawaan la dhagax dhigay Dhisme weyn oo Wasaaraddu dhisanayso, waayo kan iminka aanu ku jirnaa waa dhisme gaboobay, cid kuma qaabili kartid, waxaanu dhisnaa mudo dheer, wasaaraddana kuma filna,”ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh, waxaanu intaas raaciyay, “Dhismuhu marka uu noo dhamaado waxa noo qorsheysan inaanu sameyno Xafiisyo wasaaraddu ka furanayso Goboladda, inaanu kicino Fariin gudbiye qaranku yeelanayo (Post) oo muhiimad weyn u yeelan doona Isgaadhsiinta Qaranka iyo inaanu aqoonta shaqaalaha kor u qaadno oo tababaro loo furo shaqaalaha wasaaradda.”

Mar uu ka waramayay Waaxyo cusub oo ay wasaaradda ku soo kordhiyeen waxa uu yihi “Wasaaraddu waxay ka koobnayd Saddex Waaxood oo kala ahaa Waaxda Isgaadhsiinta,Waaxda Boosaha iyo Waaxda Maamulka , markaa waxaanu ku soo kordhinay waaxda Qorsheynta iyo Maamulka”.

Agaasimaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Faysal Cali Sheekh waxa kale uu sheegay in Xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Shirkaddaha Isgaadhsiinta dalka, doonayaana inay sii wanaajiyaan wada shaqeynta ka dhaxaysa, si buu yidhi loo horumariyo Adeega Isgaadhsiinta dalka.

Agaasimaha Guud ee Boosaha iyo Isgaadhsiintu waxa uu ka hadlay isbeddel iyo dar-dargelin lagu samaynayo wasaaradda, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “sanadkan waxaanu doonaynaa oo qorshaha noogu jirta inaanu kordhino shaqaalaha wasaaradda oo aanu shaqaale cusub qaadano, si aanu u balaadhino shaqada wasaaradda,” ayuu yidhi Md Faysal Cali Sheekh.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa todobaadkan dhagax-dhigay dhisme cusub oo loo samaynayo wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo labaatankii sanno ee u dambeeyey haylkeeda dhisme iyo horumarinteedu aad uga hooseeyey hay’adaha kale ee dawladda.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories