HomeXukuumadda Somaliland oo Markii u horreysay ka Hadashay Xidhitaanka Xuduudka Jabuuti iyo...

Xukuumadda Somaliland oo Markii u horreysay ka Hadashay Xidhitaanka Xuduudka Jabuuti iyo Isbeddel ballaadhan oo lagu sameeyey isu-gudubka Shacabka Labada Waddan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa tafaasiil ka bixiyey wax-ka-beddel iyo xoojin dhinaca amniga ah oo lagu sameeyey isu-socodka gaadiidka isaga goosha Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, taas oo lagu xakamaynayo amni-darro ka timaadda kooxaha Xag-jirka ah.

lawyacadoGo’aanka labada Xukuumadooda ku gaadheen xoojinta ammaanka xuduudka u dhexeeya, ayaa ka dambeeyey ka dib markii kooxda Al-Shabaab Qaraxyo dad badani ku dhaawacmeen ka geysatay Maqaaxi Dadka Reer Galbeedka ahi ku caweeyaan oo ku taala badhtamaha magaalada Jabuuti. Waxaana baadhis la sameeyey lagu ogaaday in dadkii fuliyey qaraxyadaas midkooda ka tallaabaday dhinaca xuduudka Somaliland.

Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Axmed Cabdi Casood, ayaa sheegay in digtooni dhinaca amniga awgeed loo adkeeyey isaga gudubka xuduudka Somaliland iyo Jabuuti, isaga oo sheegay in wax laga beddelay gaadiidkii dadka Jabuuti ka soo qaadi jiray ee toos u keeni jiray Somaliland.

Wasiirka waxa uu sheegay in gaadiidka Jabuuti ka soo qaadaya rakaabka u soo safraya Somaliland la keeni doono Xuduudka, halkaas oo ay ka soo qaadi doonaan gaadiid ka soo rakaabsan doona xuduudka oo u soo gudbin doona dhinaca Somaliland, isaga oo dhibaatada ay dadku kala kulmayaan isku-wareejinta gaadiidka ku sifeeyey dedaallo lagu adkaynayo ammaanka labada waddan.

Wasiirka oo la weydiiyey wax ka jira iyo sababta keentay Xuduudka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland in la xidho iyo dad la sheegay in laga celiyey xuduudka labada waddan, waxa uu ku jawaabay, “Xaaladdu (adkeynta xadka) waa xaalad nabad galyo, xuduudda lama xidhin ee adkeynta waxa keentay dhibaatooyinka dhacay ee qaraxyada ama raadad lagu dabo jiro ayaa sababay, laakiin wax dhibaato ah oo dhexyaalla labada dawladood ma jirto. Dadkana lama celin ee baabuur baa halkaasi (Jabuuti) ka soo qaadaysa kuwo kalana halkan (Somaliland) ayey ka qaadayaan, dadaal badan ayaa la sameeyey oo waxa la doonayaa in dadka la hubsado waana arrimo amniga lagu adkeynayo,” ayuu yidhi Wasiirka oo la hadlay Qaar ka mid ah warbaabinta dalka.

Marka laga yimaaddo jawaabta wasiirku ka bixiyey xidhitaanka Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, haddana waxa maalmihii u dambeeyey jiray xannibaad iyo dad isaga gooshayey xuduudka oo la celiyey, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku xannibnaa magaalada xuduudka ku taala ee Lawyacaddo.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories