HomeXukuumadda Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay Qaabkii Odayaal-dhaqameedka Soomaaliya ku...

Xukuumadda Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay Qaabkii Odayaal-dhaqameedka Soomaaliya ku yimaaddeen Dalka iyo Aragtida uga soo baxday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay ka hadashay Nidaamkii ay odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya ku yimaaddeen Somaliland iyo aragtida xukuumad ahaan uga soo baxday Socdaalkooda oo ay ku tilmaantay guul wax ku-ool ah iyo garownshiiyo laga bixiyey qaddiyadda Shacabka Somaliland.

Wasiir Kuxigeenka WarfaafintaKontomeeyo qof oo isugu jira Madax-dhaqameed, odayaal, siyaasiyiin iyo Aqoonyahan ka soo kala jeeda gobollada Soomaaliya, ayaa dhowaan Socaal ku yimi Somaliland, waxaanay kulamo la qaateen Madax-dhaqameedka, Ururrada Bulshada iyo Xisbiyada mucaaradka ah, iyaga oo ujeeddada socdaalkeeda ku micneeyey mid la xidhiidha sidii ay wax uga baran lahaayeen doorka madax-dhaqameedka dhiggooda ah ee Somaliland ka qaateen hirgelinta nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland.

Odayaal-dhaqameedka Soomaaliya markii ay dalka ku sugnaayeen muddo laba maalmood ah, ayay xukuumadda Somaliland ka hadashay ujeeddada socdaalkooda, waxaanay sheegtay inay odayaashaasi iskood u yimaaddeen dalka si ay wax uga bartaan xaaladaha nabad-gelyo iyo horumarineed ee dalka ka jira, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Daahir Cukuse oo ka gaabsaday inuu sheego doorkii ay ku lahaayeen safarka Oday-dhaqameedka Soomaliya.

Haseyeeshee, wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inay Xukuumadda uu ka tirsan yahay la soo xidhiidheen Odayaal-dhaqameedka Soomaaliya ka hor intii aanay dalka ka iman isla markaana ay ka dalbadeen safar ay ku yimaaddaan Somaliland.

Wasiirku waxa uu ku dooday inay xukuumad ahaan u arkaan faa’ido wax weyn ka beddelaysa fekerkii hore ee shacabka Soomaaliya booqashada ay Oday-dhaqameedka Soomaaliya, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Annagu waxaanu qabnaa xukuumad ahaan inay faa’ido inoo tahay dadka inoo yimaadda inay arkaan mawqifka dadka reer Somaliland oo waxaanu isleenahay waxyaabo badan ayay ka beddelaysaa, maantana way qanceen ayaan aaminsanahay sida ay Reer Somaliland ugu midaysan yihiin qadiyaddan (madax-bannaanida Somaliland),” ayuu yidhi Wasiirku.

Md Cabdiwaaxid oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Dadka Soomaalida ah dawladnimadaa u kala duwan, mana jaro Sharci kala xadaynaya in dadka Soomaalida ahi is-dhex socdaan. Waxa jira dad reer Muqdisho ah oo Hargeysa jooga, ka ganacsada oo ku dhaqan. Ina Sharciga kaliya ee innaga dhexeeya waxa weeye, dadka Somalilanders-ka ah ee Xamar xil ka qabta in tallaabo laga qaado.”

Mar la weydiiyey in Odayaashu iskood u yimaaddeen iyo haddii xukuumaddu marti-qaad u fidisay, waxa uu ku jawaabay, “Nin ku yidhi waan kuu imanayaa oo aan ogaado Xaaladdaada, cid diidaysaa ma jirto, Xukuumadduna way ogolaatay,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo xafiiskiisa ugu warramay wariye Cabdishakuur Xaaji Muxumed oo ka tirsan Radio Hirad.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories