HomeXukuumadda Somaliland oo Markii u horeysay si Faahfaahsan uga hadashay Booqashdii Nicholas...

Xukuumadda Somaliland oo Markii u horeysay si Faahfaahsan uga hadashay Booqashdii Nicholas Kay ku yimi Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa ay Xukuumadda Somaliland Beenisay inay Danjire Nicholas Kay ka Wada-hadleen Arrimo Siyaasadeed iyo Inuu Xafiiskiisa UNSOM ka furto Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay si faahfaahsan uga hadashay booqashadii Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, uu dhowaan ku yimi dalka, waxaanay meesha ka saartay inay ka wada-hadleen arrimaha siyaasadeed ee Xafiiskiisu Qaramada ugu qaabilsan yahay Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Ka hadlay Gudo-galka Heshiiska Shirkadda Ballore iyo Turxaan Bixinta Khilaafka KulmiyeSida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland todobaad ka dib markii uu Nicholas Kay booqashadiisa ku yimi dalka, waxa ay xukuumaddu sheegtay in aanay jirin arrimo Siyaasadeed oo ay kala hadashay danjire Nicholas Kay oo masuul ka ah xafiiska UNSOM oo dejiya siyaasaddda iyo kaalmooyinka bani’aadanimo ee hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay xukuumaddu in aanay kala hadal danjire Nicholas Kay inuu Somaliland ka furto Xafiiskiisa UNSOM oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa u qornaa sidan: “Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa, Nicholas Kay,ayaa booqasho lagu martiqaaday ku yimi Somaliland todobaadkii la soo dhaafay, casuumadaasoo uu u fidiyey Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Mudane Maxamed Biixii Yoonis. Sababta martiqaadka ayaa ku salaysanyd in bog cusub loo furo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay Jamciyada Quruumaha ka dhexysa(UN).

Somaliland waxay Wakiilka gaarka ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa kala hadashay arrimaha horumarinta, baniaadamnimada iyo qodobo kale, mana jirin wax la xidhiidha siyaasada Somalia oo Somaliland kala xaajootay Kay, sida niidaamka Federaaliga ah ee Somalia,Taas oo aan ahayn arrinta u taala Jamhuuriyada Somaliland. Waxay kaloo Wasaarada Arrimaha Debedda ee Somaliland cadaynaysaa , in aan Nicholas Kay lagala hadlay, haba yaraatee, in hayadiisu xafiis ka furanayso Somaliland.

Labada geedoodba waxay ku niyadsan yihiin in booqashadaasi furi doonto socdaalo kale oo ay Nicholas Kay iyo asxaabtiisa UN ku yimaadaan Somaliland. Intii uu Hargeisa joogay, KIay, wuxuu la kulmay Wasiiro xukuumada ka tirsan, wakiilada Baarlamaanka, Bulshada Rayidka ah, dad ka socda Gobolada Bari iyo xubno axsaabta mucaaradka ka tirsan.

Nicholas Kay, wuxuu xukuumada Somaliland u xaqiijiyey in xafiiskiisu uu si buuxda   ugala shaqaynaayo Somaliland xaga nabada iyo horumarinta, iyadoo diirada la saaraaayo qodobada horumarinta iyo amaanka. Nicholas Kay iyo wefdigiisii waxa warbixino kooban laga siiyey meelaha ay Somaliland wax-qabadka uga baahan tahay iyo in la carifo lana tilmaamo horumarka weyn ee muuqda oo ay Somaliland meelo badan ka gaadhay, taas oo ay ka mid tahay nabada iyo amaanka,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Siciid Cali Muuse.

Xukuumadda Somaliland, ayaan si faahfaahsan uga hadal socdaalka Nicholas Kay ku yimi dalka intii uu booqashadii ku joogay Hargeysa, waxaanu wasiirka Arrimaha Dibadda oo ay Danjire Nicholas Kay si wada-jir ah shir-saxaafadeed ugu qabteen xarunta Madaxtooyada ka dib kulan dhexmaray madaxweynaha Somaliland, waxa uu ku sheegay inay Ergayga Qaramada Midoobay ka wada-hadleen sidi loo sii xoojin lahaa taageerada hay’adaha qaramada Midoobay u fidiyaan shacabka iyo dawladda Somaliland.

SOMALILANDPOS.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories