HomeXukuumadda Somaliland oo Markii u horeysay ka Hadashay Xasuuqa lagu Hayo Shacabka...

Xukuumadda Somaliland oo Markii u horeysay ka Hadashay Xasuuqa lagu Hayo Shacabka Falastiin iyo taageero ay u fidinayso

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaareysay duqeynta Arxan-darrada ah ee Ciidamada Yuhuuddu ku hayaan Shacabka reer Falastiin, waxaanay ku baaqday inay Israa’iil si deg-deg u joojiso gumaadka ay ku hayso shacabka Gaza isla markaana u hoggaansanto dedaallada xabbad-joojinta ah ee beesha caalamku ku hawlan tahay.

Maxamed Biixi YoonisWasiirka Arrimaha Dibaddu Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan iyo Shacabka Somaliland-ba taageero la bar-bar taagan yihiin shacabka aan hubaysnayn ee gumaadku ku socdo, isla markaana isaga oo ku hadlaya Afka Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ugu baaqayaan dawladda Israel inay joojiyo xasuuqa Shacabka Falastiin una hoggaansato baaqa beesha Caalamka.

“Somaliland aad bay uga xun tahay xasuuqa Yuhuudu u geysanayso shacabka aan hubaysnayn ee muslimiinta Falastiin, waxaanan u soo jeedinaynaa inay deg-deg u joojiyaan duqeynta ay ka wadaan Qaza, una hogaansamaan dedaalada xabad-joojineed ee beesha caalamku ka wado,” ayuu yidhi Maxamed Biixi oo u warramay Wargeyska Madaxa-bannaan ee Himilo oo xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.

Mudane Biixi waxa uu sheegay inay Somaliland taageero iyo ducoba la barbar taagan tahay shacabka Falastiin ee Israel xasuuqa ku hayso.

“Waanu ka xunahay dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay shacabka aan hubaysnayn, taageeradayaduna waa inaan la barbar taagan nahay ducada,” ayuu yidhi Md Maxamed Biixi Yoonis.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories