HomeXukuumadda Somaliland oo loogu baaqay inay Wax ka Qabato Adeegyada Aasaasiga ah...

Xukuumadda Somaliland oo loogu baaqay inay Wax ka Qabato Adeegyada Aasaasiga ah ee Bulshada Degmada Xuddun, kana faa’idaysato Kheyraadka Dabiiciga ah ee ku Duugan (MUUQAAL + SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xudun (SLpost)- Maamulka, siyaasiyiinta iyo Bulshada deegaamada Sool, gaar ahaan degmada Xuddun ee gobolkaas, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay shacabka uga faa’ideeyaan kheyraadka dabiiciga ah ee ku duugan deegaanada ku xeeran Degmada Xuddun.

Maamulka degmooyinka Laascaanood iyo Xuddun, Wax-garad iyo siyaasiyiin deegaankaas ka soo jeeda, ayaa kormeer  ku maray Xarumaha adeegyada aasaasiga ah ee degmada Xuddun ee gobolka Sool, iyaga oo soo indho-indheeyey xaaladda nololeed ee dadka deegaanka, waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey dadweyne isugu jiray Haween Carruur iyo waayeelka deegaanka.

Weftigan ay xubno ka yihiin Maayarka Degmada Xudun ee Gobolka Sool Faarax Cali Ibraahin ay Weheliyaan Axmed Maxamed Caateeye (Awoowo) oo ka mid ah Siyaasiyiinta degmadaasi yo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ee Now ee Gobolka Sool Nadiifo Maxamed Colu-joog waxay lugta Kormeerkooda ku soo mareen Deegaamada Awr boogays,Lafa weyne, Hol Hol, Bohol, Gorofley, Laasa Curdin, Xangey iyo Ceelka Shiidaalka ee Hol Hol iyagoo warbixino ka dhagaystay Waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee ku dhaqan Jiidaha ay safarka ku soo mareen,oo Xukuumada Somaliland ka codsaday inay wax kala qabato baahiyaha aasaasiga ah ee Shacabku u degmadaasi u baahan yihiin.

Axmed Maxamed Caateeye (Awoowo) ayaa wasaarada Macdanta iyo Tamarta ku amaanay hawsha balaadhan ee sahaminta Shiidaalka ah ee ay ka wado Goobo ka mid ah dalka waxaanu xusay in ilgaar ah lagu eego Ceelka Deegaanka Hol Hol oo Mudo hore uu Sheegay in laga helay Shiidaal waxaa kale oo uu bulshada ku nool Jiidaha degmada Xudun ugu baaqay inay isgarab taagaan hawlaha waxqabad ee Degmadu u baahan tahay.

Maayarka Degmada Xudun ee Gobolka Sool Faarax Cali Ibraahin ayaa sheegtay in Ujeedada Kormeerkoodu uu salka ku hayay Xog Ogaal u noqoshada xaalada Nabadgalyo iyo Nololeed ee Jiida degmadaas oo Koobsata deegaamo badan waxaa kale oo Maayarka Degmada Xudun uu xusay inay gaadhsiiyeen deegaamada degmadaasi Raashin ay ku deeqday dawlada Turkigu oo dhan laba Kun oo Kiish,kuwaas oo uu sheegay inay si habsami leh qaybintoodii ugu soo Gabagabaysantay.

DAAWO MUUQAALKA

Waxaa kale oo halkaasi ka hadashay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ee Now ee Gobolka Sool Nadiifo Maxamed Colu-joog iyo qaar ka mid ah Waxgaradka deegaamada Degmada Xudun ee Gobolka Sool.

Somalilandpost.net

Xuddun, Sool

Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories