HomeXukuumadda Somaliland oo laashay Ruqsadaha Shirkadaha Isgaadhsiinta

Xukuumadda Somaliland oo laashay Ruqsadaha Shirkadaha Isgaadhsiinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, ayaa gebi ahaanba laashay ruqsadihii ay ku shaqaynayeen Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee dalka, waxaana lagu amray in ay dib u soo codsadaan qaadashada Liisamada.

Go’aanka Wasaaraddu ku amartay shirkadaha inay soo codsadadaan Ruqsadaha, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo waafajin lahaa xeer-nidaamiyaha adeegyada Isgaadhsiinta Dalka oo ay wasaaraddu sanadkii hore soo saartay.

blank
Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cabdiwali Suufi Jibriil maanta, ayaa lagu socodsiiyey Shirkaddaha ay ka mid yihiin Telesom, Somtel, Golis Somaliland, Nationlink, Africa Online iyo Somcable, iyadoo ogaysiis lagu siiyey Madaxweynaha, Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Baanka, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

Wareegtadan waxa Shirkaddaha isgaadhsiinta loogu qabtay in ay Liisanka cusub ku soo codsadaan muddo 30 Maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda wareegtadu soo baxday oo maanta, waxaanay u dhignayd sidan:-

“Mudaneyaal Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadu iyadoo dhaqan gelinaysa xeer-nidaamiyaha ruqsadda adeegyada Isgaadhsiinta Xeer- nidaamiye Lr.02/2020 waxa ay laashay dhamaan ruqsaddaha Isgaadhsiineed ee ay haystaan shirkaddaha bixiya adeegyada kala duwan ee Isgaadhsiinta, laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 11/01/2021.

Haddaba waxa ku waajib ah adeeg-bixiyeyaasha in ay soo codsadaan ruqsadaha isgaadhsiineed qaab waafaqsan xeer-nidaamiyaha ruqsadda adeegyada Isgaadhsiinta muddo 30 maalmood ah oo ka bilaabmaysa maanta”ayaa lagu yidhi Wareegtadan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cabdiweli Suufi Jibriil.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories