HomeXukuumadda Somaliland oo ka warbixisay Nuxurka Heshiisyo wada-shaqayneed oo ay Isku Af-garteen...

Xukuumadda Somaliland oo ka warbixisay Nuxurka Heshiisyo wada-shaqayneed oo ay Isku Af-garteen dalka Holland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Rotterdam (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar, ayaa sheegay in  markii  u horaysay taariikhda wadashaqayn cusub iyo iskaashi  dhinacyo kala duwan leh  ay wada yeelanayaan Somaliland iyo dawlada Holland.

Wasiirka iyo wefti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga wadanka Holland,  waxa uu sidaasi ka sheegay  hadal uu ka jeediyay kulan balaadhan oo uu habeen hore magaalada Rotterdam ee dalka Holland  uu kula yeeshay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi.

Dr Omer_HollandWasiirka iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku marayay wadamo ka tirsan qaarada Yurub, ayaa ka qayb galay Kulan   ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Somaliland ee ku nool wadanka Holland,  waxaana kulankaasi ka  soo qayb galay dadwayne tiro badan oo isugu jiray haween, rag  iyo dhalinyaro kuwaasi oo wasiirka si wayn ugu soo dhaweeyay markii uu gaadhay magaalada  Rotterdam ee wadanka Holland.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo hadal u jeediyay jaaliyadii kulankaasi ka soo qayb galay uga waramay u jeedada safarka shaqo ee uu ku joogo dalka Holland iyo masuuliyiintii  uu la kulmay intii uu joogay wadankaasi, waxaanu sheegay  in uu wada hadal dheer la yeeshay wasiirka amniga qaranka Holland iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibada Holland isla markaana ay masuuliyiintaasi ka wada hadleen sidii loo furi lahaa  wadashaqayn cusub iyo is-kaashi balaadhan oo dhex mara Somaliland iyo Holland  markii u horaysay.

Waxaanu wasiirka arrimaha dibada Somaliland intaasi raaciyay in ay isku raaceen labada  dawladood ee  Somaliland iyo Hollnad in ay wada shaqayn dhinacyo kala duwan leh yeeshaan, isaga oo arrinatasina ku tilmaamay guul hor leh oo ay Somaliland gaadhay.

Waxa kale oo uu wasiirku  si balaadhan uga waramay guulaha kala duwan ee ay ku talaabsatay  muddadii ay talada dalka haysay xukuumada uu madaxwaynaha ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ee dhinacyada nabadgeliyada, waxbarashada iyo siyaasada  arrimaha dibada.

Waxa kale oo uu Dr. Maxamed Cabdlaahi Cumar, faah-faahin ka bixiyay horumarka ay ku  talaabsatay  xukuumadu ee ay  ka gaadhay xagga siyaasada arrimaha dibada oo uu ku tilmaamay   mid dariiq cusub u furtay  ka midhodhalinta himilada shacabka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland  Dr. Maxamed C/laahi Cumar,  waxa uu si qoto dheer uga hadlay wadahadalada u furmay Somaliland iyo Soomaaliya oo ah albaab cusub oo u furmay siyaasada dibada Somaliland  iyo sida ay beesha caalamku u rejaynayaan  qadiyada iyo horumarka Somaliland.

Waxa kale oo uu wasiirku  dadwaynihii uu  halkaasi  kula hadlayay uga war-bixiyay  socdaalkii uu dalka Jarmalka ku soo maray iyo  shirkii lagaga hadlayay qaranimada iyo dimuqraadiyada Somaliland ee  ka dhacay dalka Jarmalka todobaadkii hore iyo sidoo kale  masuuliyiintii kala duwanaa ee uu  dalka Jarmalka kula kulmay iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Waxa kale oo kulanakasi hadal ka jeediyay masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID iyo xubno ka mid ahaa jaaliyadii kulanka goob jooga ka ahaa,  madaxwaynaha Somaliland iyo xukuumadiisaba ku amaaneen sida ay heeganka ugu yihiin, waxaanay sidoo kale balan qaadeen in ay diyaar u yihiin ka qaadashada horumarka dalkooda hooyo. Wasiirka iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay beri yimaadaan wadanka Itoobiya, halkaasina ay kulamo kula yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dawlada Itoobiya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories