HomeXukuumadda Somaliland Oo Ka Shirtay Halis Caafimaad oo Qaramada Midoobay Ka Digtay

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Shirtay Halis Caafimaad oo Qaramada Midoobay Ka Digtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Mudane Xasan Maxamed Cali (gaafaadhi) ayaa maanta Xafiiska kulan kula Qaatay ururka ay ku bohoobeen shirkadaha soo dajiya Daawooyinka ee DIWA.

Kulan waxa wasiirka ku Wehelinayay Gudoomiyaha Ha’yadda dhawrista Tayada Somaliland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed cabdi xergeeye iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii layskula eegi lahaa waxna layskaga Waydiin lahaa Sharooboyinka Caruuta ee ay Soo saartay Shirkad laga leeyahay dalka Hindiya oo Magaceeda la idhaa (maiden pharmaceuticals) oo maalmihii u dambaysay ay ka digaysay Haayadda Caafimaadka aduunka ee (WHO).

Gudoomiyaha ururka ay ku bohoobeen shirkadaha soo dajiya Daawooyinka ee Diiwa oo kulanka kasoo qayb-gelay ayaa Wasaaradda u cadeeyay in aanay haba yaraatee shirkadda Samaysa daawooyinkan dalkeena wax daawa ah keenin sidoo kalana aanay xidhiidh la lahayn.
Gudoomiyaha Haayadda dhawrista Tayadda Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali oo isna kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in ay baadhis Buuxda ku samaynayaan Dhammaan dalka gudihiisa, Bulshadana ugu Baaqay in ay lasoo socodsiiyan wixii dawoyinkan ku saabsan ee ay arkaan, Haayadda dhawrista Tayadda iyo Wasaaradda horumarinta Caafimaaddka si baadhis Buuxda loogu sameeyo.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (gaafaadhi) ayaa bulshada u sheegay in aanay Dhibaatadu dawadan ahayn ee ay Dawadani hore u jirtay, balse Dhibaatadu tahay Shirkadan (maiden pharmaceuticals) oo dawadda ay Soo saartay ay ku jiraan waxyaabo siyaado ah ama Xadigii loogu talo galay Dhaafsan, Taasina ay sababtay dhibaatada maanta taagan, bulshaduna ay ka Foojignaadan shirkadaas iyo Sharoobooyinka carruurta ee ay Soo saarto.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories