HomeXukuumadda Somaliland oo Qaaddacday wada-hadal u qorshaynaa inuu Dhex maro Soomaaliya iyo...

Xukuumadda Somaliland oo Qaaddacday wada-hadal u qorshaynaa inuu Dhex maro Soomaaliya iyo sababaha keenay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa shaaciyey inay xukuumadda Somaliland laashay wada-hadalladii u qorshaysnaa inay la yeeshaan Dawladda Soomaaliya isaga oo ku sababeeyey laba qodob oo aanay Somaliland u suurto-galinayn inay ka qayb-gasho wada-hadallada

Wasiirka oo u warramay idaacadda BBC baahinteeda duhurnimo, waxa uu ku sheegay in Xukuumadda Somaliland qaaddacday wada-hadallo ay la yeelato Somaliland maadaama ergada wada-hadallada Somaliya u metelaya ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha Wasiirrada maamul-goboleedka Puntland balse deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay in wada-hadalku u dhexeeyo laba qaybood oo kala ah Woqooyi iyo Koonfur wixii laysku odhan jiray Soomaaliya isla markaana ay dawladda Somaliland ogolaanayn inay wada-hadal la gasho maamul-goboleed Soomaaliya ka tirsan.

“Waxaanu u wada-hadlaynaa sidii waddankani ahaan jiray ka hor intii aan laysku biirin 1 Julay, 1960kii. Somaliland waxay jeceshahay, sidii beesha caalamkuba ku baaqday,  inay wada-hadlaan Somaliland iyo Somalia, kana wada-hadlaan waxyaabo fara badan oo ka dhaxayn jiray. Maaha in dad dhulkayaga ka mid ah lagu daro guddiga oo dhinaca kale ay ka soo jeestaan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha debedda Somaliland.

Wasiirrada ku jira ergada Soomaaliya ee ka kooban 7-da xubnood oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland  isla markaana uu maamul-goboleedka Puntland sheegto, waxa ay xukuumadda Somaliland ku sheegtay inay ka laba sababood oo ay ku qaaddacday wada-hadalka Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan magacowday xubno diyaarinaya  wada-hadallada Soomaaliya kuwaas oo ka kooban 5 xubnood oo golaha wasiirrada ka tirsan.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories