HomeXukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay Sheegashada Soomaaliya inay Kenya Fasax uga qaadatay...

Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay Sheegashada Soomaaliya inay Kenya Fasax uga qaadatay Xafiiskooda Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamaantay si adagna uga hadashay hadalo ka soo kala yeedhay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Cawad oo sheegay inay Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay xafiis ka furato Hargeysa.

 

Warbixin uu dhawaan qoray Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku sheegay inay dawladda Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

blank
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad

 

“Waa dawladda Soomaaliya cidda Kenya siisay ogolaanshaha inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, Kenyana waxay annagana noo ogolaatay inaanu qunsuliyad ka furano Mombasa haddii aanu doonayno.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

 

blank
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)

 

Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo uu Wargeyska Geeska Afrika weydiiyay doodda dhiggiisa Soomaaliya, wuxuu sheegay inay dawladda Soomaaliya isku dayday inay hor istaagto xafiiska ay Kenya ka furanayso Somaliland balse ay u suurtogeli wayday, waxaanu Wasiir Faratoon yidhi  “Soomaaliya waa u cadawga Somaliland, Xafiiska Kenya ay ka furanayso  Somaliland-na aad bay uga cadhootay, marar badana waxay isku dayeen inay hor istaagan, taasina way suurtagali wayday, xiitaa horumar kasta oo Somaliland u soo kordha aad bay uga xumaadan, markaas Somaliya qaab ay kula heshiiso ayey garan weyday Kenya, waxayna qiil ka dhigatay Xafiiskan oo aanay shaqo ku lahayn fududayntiisa, Somaliland wadamada iyo cid kasta oo ay la macaamilayso uma sii marto Somaliya, wakiilna inagama aha Somaliya, laakiin Maamulka Muqdisho waxay ka xumaadeen xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, iyo khilaafka soo kala dhex galay Kenya, markaas haddii Maamulka Muqdisho uu garan waayeen qaab ay kula heshiiyaan Kenya, maaha inay Somaliland qiil ka dhigtaan”.

 

XIGASHO: GEESKA AFRIKA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories