HomeXukuumadda Somaliland oo ka hadashay Xidhiidhka Taiwan iyo Saamaynta Shiinaha

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Xidhiidhka Taiwan iyo Saamaynta Shiinaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay sababaha ka dambeeya inay xidhiidh dibloomaasi iyo mid ganacsiba la yeelato Waddanka Taiwan isla markaana ay dhabarka u jeediso Dalka Shiinaha oo ka mid ah quwadaha ugu horreeya caalamka, kaas oo aaminsan in Taiwan tahay qaybka mid ah dal-weynaha Shiinaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Raagsaale ayaa sheegay in dalalka Somaliland iyo Taiwan yihiin mataano wadaaga arrimo badan oo ay kaga duwan yihiin dalalka dunida iyo sidoo kale waddamada aqoonsi-raadiska ah,  taasina ay tahay sababta Somaliland ugu dhiirratay xidhiidhka Taiwan.

blankDr Ciise Key doo isagoo ku sugan dalka Ingiriiska la weydiiyey sababaha keenay inay Somaliland dal-weynaha Shiinaha ka door-biddo xidhiidhka Taiwan oo xurguf ka dhaxayso, waxa uu sheegay inay Taiwan iyo Somaliland wadaagaan arrimo ay ka mid yihiin qadiyadda aqoonsi-raadinta, dimuqraadiyadda, fur-furnaanta Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Xorta ah, xorriyatul-qawlka iyo xuquuqda bani’aadamka, kuwaas oo uu sheegay inaanay ka jirin waddamo la aqoonsan yahay oo Dalka Shiinuhu ku jiro.

Wasiirka oo ka hadlayey taageerooyinka wax-qabad ee dowladda Taiwan ka caawisay Somaliland, waxa uu sheegay inuu dalka Taiwan ka caawiyey Jamhuuriyadda Somaliland dhinacyada Beeraha, caafimaadka iyo Teknoolajiyadda, isla markaana ay rejaynayaan taageerooyin kale oo ku saabsan dhinacyada kaabayaasha Dhaqaalaha.

“Waxay naga taageeraan waxyaabo badan sida Beeraha iyo Teknoolajiyadda, kuwo kalena waanu rajaynaynaa inay naga taageeraan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda oo u warramayey Laanta Afka Soomaalida ee BBC-da.

Muuqaalka Hoose ka daawo Waraysiga oo dhammaystiran

https://www.youtube.com/watch?v=r96dhtIBoR8

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa daba-yaaqada sannadkii 2019-kii cilaaqaad la furtay waddanka Taiwan, taas oo sababatay in labada waddan is-dhaafsadaan wakiillo dibloosiyeed sannadkii 2020-dii, waxaana arrintaas ka cadhooday dal-weynaha Shiinaha oo Somaliland u soo diray wefti uu hoggaaminayo Safiirka China ee Muqdisho oo booqasho ku yimi Somaliland badhtamihii 2020-kii.

Safiirka Shiinaha ayaa madaxweynaha Somaliland u soo bandhigay mucaawimooyin iyo taageero dhaqaale dowladda Shiinuhu siinayso Somaliland, taas beddelkeedana ay gebi ahaanba joojiyaan xidhiidhka ka dhexeeya Taiwan. Haseyeeshee, madaxweynaha Somaliland ayaa ku gacan-saydhay qorshaha dowladda Shiinaha, waxaanu u caddeeyey inay Somaliland tahay waddan madax-bannaan oo cidda danaheedu ku jiraan xidhiidh la yeelan karta, dowlad ahaanna ay u diyaar u yihiin inay xidhiidh la yeelanayaan dowladda Shiinaha si la mid ah waddamada kale ee adduun oo Taiwan ka mid tahay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories