HomeXukuumadda Somaliland oo ka hadashay Xaaladda Caafimaad ee Suldaan Maxamed Xirsi Qani

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Xaaladda Caafimaad ee Suldaan Maxamed Xirsi Qani

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Addis Ababa (SLpost)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia, Danjire Yuusuf Maxamud Guuleed ayaa shaaca ka qaaday inay aad u wanaagsan tahay xaalada caafimaad ee Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-Qani oo xaalad caafimaad u jiifa cusbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa.

blankSafiirku waxa uu sheegay in ducadii shacabka Somaliland Illaahay aqbalay oo xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay, wakhtiga uu cusbitaalka ka soo baxayo jawaabteeda ka sugayaan dhakhaatiirta gacanta ku haya daawayntiisa.

Safiirka JSL ee Itoobiya Amb. Yuusuf Maxamuud Guuleed oo maanta ka jawaabay su’aalo la xidhiidha xaalada caafimaad ee Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani oo weriye Maxamuud Walaaleye ku weydiiyey khadka Fariimaha ayaa sheegay inaanay xukuumada Somaliland kaalin ka qaadan daawayntiisa keliya, balse damaanad-qaaday guud ahaan, maalintii la keenay caasimada Addis Ababa, ilaa maanta-na Safaarada JSL ee Itoobiya oo kaashanaya ehelka Suldaan Maxamed  garab-taagan tahay.

 “Xaaladda Suldaanku aad bay u wanaagsan tahay. Ilaahay ducadii wuu aqbalay oo imika xitaa wuu fadhiisan karaa. Garashadiisu way joogtaa oo aad buu u fiican yahay, waxaanu helay daryeel caafimaad  loo hagar-baxay, dawlad iyo ehelba.” Ayuu kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey xaalada caafimaad ee Suldaan Maxamed .

Kaalinta xukuumada Somaliland iyo Safaarada JSL ee Itoobiya ka geyteen la socodka daaweyntiisa & xaaladiisa guud ayuu yidhi,

“Dawladda JSL kaalin kaliya kumay lahayn ee guud iyadaa dammaanad-qaadday xaaladda caafimaad ee Suldaanka oo runtii ah nin Qaran oo dal iyo dad ba kaalin mug ah ku leh. Diyaarad caafimaad gaar ah ayay dawladdu kaga soo qaadday Hargeysa oo Addis Ababa lagu keentay. Maalintaa iyo maantana dawladdu way garabjoogtay. Safaaradda JSL ee Itoobiya oo kaashaynaysa ehelka Suldaanka oo iyana door muhiim ah qaatay, waxay kaalin mug leh ka ciyaareen daaweyntiisa, daryeel iyo duljoog intaba. Hadal markaan soo kobo, Suldaan Maxamed Qaranka Somaliland baa garabjooga, diyaarna u ah mustaqbalka Insha alaah.

Gebabegabdii, oo la weydiiyey wakhtiga ay filayaa inuu Cusbitaalka ka soo baxo, ayuu Safiir Yuusuf yidhi,

“Caafimaadku sidiisaba wuu soo raagaa, Ilaahay fadligiisa mooyee, mar kaliya wax soo booda maaha, sidaa darted, waxaannu ilaahay ka baryaynaa inuu inta u dhiman caafimaadkana degdeg u siiyo. Xilliguu ka soo baxayo Cusbitaalka, isagoo caafimaad buuxa Ilaahay siiyey, dhakhaatiirta ayeynu ka sugaynaa marka ay ku taliyaan, imika  jimicsigii baa loo bilaabay oo u socda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories