HomeXukuumadda Somaliland oo ka hadashay Taawarrada Isgaadhsiinta iyo Qorshe siyaasadeed oo loo...

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Taawarrada Isgaadhsiinta iyo Qorshe siyaasadeed oo loo dejiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Biraha (tower-rada) shirkadaha Isgaadhsiintu ka dhex-taagaan gudaha magaalooyinka, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa oo ah meesha ugu badan ee taawarradu ka taagan yihiin, kuwaas oo inta badan bulshadu cabasho ka muujiyaan.

 

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta, Boosaha iyo Technology-yadda Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan garowsan yihiin saamaynta ay leeyihiin tirada Taawarrada Isgaadhsiinta ee gudaha magaalooyinku ay ka badan yihiin intii loogu talo-galay, waxaanu xusay qorshe xukuumad ahaan uga meel yaalla sidii loo qaabayn lahaa Taawarrada.

Wasiirka Isgaadhsiinta

Wasiirku waxa uu shirkadaha isgaadhsiinta uga digay inay gudaha magaalooyinka ka hirgeliyaan taawarro cusub, waxaanu ugu baaqay inay wasaaraddiisa ku war-geliyaan hirgelinta taawarrada cusub si loo daraaseeyo loona qorsheeyo goobta ku habboon ee laga hirgelin karo.

 

“Waxaannu uga baahannahay shirkadaha isgaadhsiinta inay wasaaradda la soo socodsiiyaan markay la soo dagayaan qalabka isgaadhsiinta. Sidoo kale waa inay wasaaradda la soo socodsiiyaan Taawarrada intaanay hirgelin ama dhisin,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta oo maanta xafiiskiisa ugu warramay warbaahinta dalka qaarkeed.

 

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Tirada taawarrada ee magaalooyinkeenna ka dhex-taagan aad bay u badan yihiin. Waxa khalad ah in shirkad waliba taawar ay leedahay taagato. Adduunka waxa la sameeyaa shirkaduhu way wadaagaan Taawarrada, tusaale ahaan haddii xaafad looga baahan yahay adeeg isgaadhsiineed, waa inay shirkaduhu ay wadaagaan hal taawar, halka immika laba iyo saddex layska ag taagayo,”

Wasiirka oo ka hadlayey saamaynta caafimaad ee ay bulshada ku leeyihiin taawarrada Isgaadhsiintu, waxa uu yidhi, “Waxa jira qalab lagu qiyaaso inuu sax yahay Radiations-ka (Shucaaca) ka soo baxaya iyo inaanu ahayn. Hay’adaha WHO iyo ITU waxay sameeyaan qiyaas kala duwan oo ah Radiation-ka (Shucaaca) soo baxaya in la aqbali karo ayaa ka jira.”

 

Mar uu ka hadlayey Qorshaha xukuumad ahaan uga meel yaalla nidaaminta taawarrada isgaadhsiinta ee magaalooyinka dalka, waxa uu yidhi, “Qalabkii lagu qiyaasayey gacanta ayaanu ku haynaa, markaa ilaa aanu qalabka keeno oo aanu qiyaasi karno Radiation-ku inuu yahay kii loo baahnaa iyo in kale ma go’aamin karno, laakiin waxaan kuu sheegi karaa in tirada taawarradu ay aad iyo aad inoogu fara badan yihiin oo xadkii loo baahnaa ka bateen. Tusaale ahaan haddaynu Hargeysa uga baahannahay 40 taawar, immika waxaabad arkaysaa inay 80 ama 120 wax ku dhawi ka taagan yihiin, waayo shirkad waliba iyadaa taawarkeeda gaar taagaysa iyadoon aan la wadaagayn shirkadihii kale.”

 

Isagoo Hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Markaa Wasaarad ahaan waxa noo siyaasad ah in la sameeyo kaabayaal isgaadhsiineed oo shirkaduhu wadaagaan.”

 

 

Dhanka kale, wasiirku waxa uu soo bandhigay inay jiraan sharci-jebin ay ku tallaabsadeen qaar ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta oo uu sheegay inay baal-mareen heshiis hore u dhexmaray xukuumadda kaas oo lagu xaddiday xaddiga lacagta Dollar-ka ee laga diri karo adeegyada lacagaha lagu keydsado ee telefoonnada gacanta, iyadoo qorshahaasi ahaa tallaabo lagu xakamaynayo sicirka bararka maceeshadda iyo Sarrifka lacagaha qalaad.

 

Wasiirku waxa uu sheegay inay jiraan warar dhinacooda soo gaadhay oo ah inay shirkadaha qaarkood baalmareen heshiiskaas isla markaana adeegyadooda Isku-dirista lacagta ee telefoonnada laga xawili karo lacag ka yar 100 dollar oo ah xaddiga ugu yar ee lagu sar-gooyay in laysku xawilo. Waxaanu wasiirku ku gooddiyey inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan shirkad kasta oo ay ku caddaato inay baal-martay go’aannka arrintan laga qaatay.

 

 

Somalilandpost News Desk

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories