HomeXukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Natiijada Kulan ay Isku-horfadhiisteen Ergaga Somaliya u...

Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Natiijada Kulan ay Isku-horfadhiisteen Ergaga Somaliya u metalaysa Wada-hadallada laba dhinac

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Istanbul (SLpost)- Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka hadlay kulan maanta isku soo horfadhiisteen ergooyinkii ka kala socday dawaladdaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid soo dhaweyn ah oo uu u sameeyay labada ergo Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkigu waxay labada dhinac kusoo bandhigeen ajandeyaashooda iyo waxyaabaha ay ka rajaynayaa shirka afraad ee wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Ankara.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Caalamiga ee Somaliland Dr. Maxamed Cumar oo hogaaminaya ergada Somaliland uga qaybgalaysa wada-hadaladii afraad ee dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya oo la hadlay saxaafada ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka uu u qabtay Wasiirka Khaarajiga Turkigu, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii.

WEFTIGAA“Shirkan aanu la yeelanay Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dawladda Turkiga wuxuu ahaa shir lagu furayay wada hadalada labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya oo beri (maanta) si rasmi ah u bilaabmaya, markaa shirkii maanta (shalay) oo ahaa shir aanu wada-jir uga qaybgalnay labadii wefti ee Somaliland iyo Soomaaliya, marti qaadkaa uu noo fidiyay Wasiirka Arrimaha ee Turkiga, waxaanu kaga wada hadalnay warbixin kooban oo aanu ka bixinaynay waxyaabaha aanu ka filayno shirka soo socda ee labada dalka ee saddex maalmood halkan (Ankara) ka soconaya iyo shirarkii aanu hore u galnay arrimihii lagaga wada hadlay ayaa ugu horeysay wixii aanu ka wada hadalnay.”

Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sidoo kale hadlay rejadiisa ku wajahan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi. “Dhinaca kalena waxaanu u arkaynay guddidii xaga Soomaaliya inay diyaar u yihiin in wada-hadalada aanu halkaa kasii ambo-qaadno, waxaanan rajaynayaa in arrimo faaqidan oo labada dal u astaysan ama u qorshaysan aanu ka wada hadalno. Waxa kale oo aanu u mahad celinayaa dawladda Turkiga oo soo dhaweyn iyo taageero wanaagsan u fidisay labada dalba inay ku wada hadlaan dalkooda wax ala farsamo iyo taageero ah ama ra’yi ay hayaan u soo gudbiyaan, arrintaas walaalaha Turkiga aad baan uga mahad celinaya,” ayuu yidhi Dr Cumar.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories