HomeXukuumadda Somaliland oo ka hadashay Muwaadiniin ay u Gacan-gelisay Dawladda Jabuuti oo...

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Muwaadiniin ay u Gacan-gelisay Dawladda Jabuuti oo Midkood Jidh-dil lagu sameeyey u geeriyooday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dawladda Jabuuti oo ogolaatay inay Furto Isu-socodka Shacabka iyo Gaadiidka Soohdimaha ay labada dal wadaagaan

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday in dib loo furay Xadka ay la wadaagto Jabuuti, isla markaana fasaxday isu-socodka Gaadiidka iyo Dadka isaga gudbaya labada dal oo tan iyo markii ay Qaraxyadu ka dhaceen waddanka Jabuuti 24-ka Bishii May ee sannadkan 2014-ka.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC isagoo ku sugan magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaayeen, waxa kale oo uu ka hadlay saddex Muwaaddin oo Somaliland u dhashay oo Xukuumadda uu ka tirsan yahay ku wareejisay dawladda Jabuuti, kuwaasoo midkood la sheegay inuu u dhintay Jidh-dil iyo garaacis ay Ciidammada Jabuuti ku sameeyeen.

Wasiir Waran-cadde oo Dhex-dhexaadinta Guddiga Guurtidu ka Dhex bilowday Garabyada Kulmiye ku micneeyey Mid lagu saxayo Khalad Sharci oo dhinacyada midkood ku kacay (DAAWO)Haseyeeshee Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde waraysiga uu siiyey kumuu soo qaadin kana hadal dhimashada la sheegay inay ku timi mid ka mid ah muwaadiniinta loo dhiibay dawladda Jabuuti.

Wasiirka oo Arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Waad ogtihiin oo dhawaan Jabuuti dhibaato yar baa ka dhacday (Qarax) markaa waxay saamaysay runtii isu socodkii labada dal iyo baayac-mushtarigii, iyadoo xagga nabadgelyada xoogga la saarayo, markaa si arrimahaa looga wada shaqeeyo oo la isaga kaashado sidii dadku isugu socon lahaa, sidii ganacsigu isugu socon lahaa ee laga wadahadalno…arrimahaas ayaannu u tegnay Jabuuti, waanannu ka wadahadalnay si wanaagsanna waannu isula af-garannay oo maantay noo soo dhammaatay, Madaxweynaha iyo Wasiirradana si fiican baannu isu aragnay oo uga wadahadalnay.”

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay in maanta ay dawladda Jabuuti si rasmi ah u furtay xadka, waxaanu yidhi; “Maantaa Xadka la furay oo isu-socodka Gaadiidka, Dadka iyo Ganacsiguba si caadi ah ayuu ugu kala gudbayaa labada dal.” Waxa uu sidoo kale Waran-cadde sheegay in Xadka Itoobiya iyo Somaliland oo xidhan wadahadal ka socdo, isla markaana ay rejaynayaan in dhawaan isagana ay dawladda Itoobiya furi doonto.

Waxa uu Wasiir Waran-cadde oo wax laga weydiiyey saddexda qof ee ay dawladda Jabuuti ku wareejiyeen ee reer Somaliland ah iyo sababta ay u wareejiyeen, ayaa ku dooday inay wixii baadhis ahi dhinac kasta lagu qaadi doono, laakiin sida ay dhigayaan Sharciyada Jabuuti iyo Somaliland in dal walba dadka u dhashay isagu xukumo, balse baadhista dalka la doono lagu samayn karo. Balse waxa uu ka war-wareegay jawaabta su’aal laga weydiiyey waxa Muwaaddiniinta reer Somaliland ee Jabuuti loo dhiibay kiiskooda loogu baadhi waayay Somaliland, maaddaama oo Sharcigu dhigayo in dalkooda lagu Maxkamadeeyo haddii ay dembi galaan.

Waa markii ugu horreysay ee ay Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasiirka arrimaha guduhu uu sidan oo kale uga hadlo Muwaaddiniinta Somaliland u dhashay ee ay dawladdu ku wareejisay dawaldda Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaasoo sida uu Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ee taageera Xisbiga WADDANI waraysi uu xalay bixiyey ku sheegay in mid ka mid ah saddexda Muwaaddin ee reer Somaliland ee lagu wareejiyey Jabuuti ay Ciidanka Jabuuti ku dileen jidh-dil iyo garaacis ay ku sameeyeen.

XUQUUQDA QORAALKA: Aftahan News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories