HomeXukuumadda Somaliland oo ka hadashay Khilaafka Maamulka Hawada ee u dhexeeya Soomaaliya

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Khilaafka Maamulka Hawada ee u dhexeeya Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay khilaafka dhinaca Maamulka Hawada ee u dhexeeya Soomaaliya, kaas oo sababay in maamulka Muqdisho sheegtay ku-tagri-falka awoodda maamul ee Hawada dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Somaliland waxa ay sheegtay in Dowladda Soomaaliya faro-gelin joogto ah ku hayso maamulka Hawadeeda, sidaas awgeedna looga baahan yahay maamulka Muqdisho inay faraha kala baxdo oo dhowrto derisnimada maadama ay yihiin Laba dowladood oo deris ah.

Mareeyaha Duulista iyo Hawada ee Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol, oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in go’aamadoodii dhanka Duulimaadyada ay sidoodii u hirgaleen.

Duuliye Sare Rodol ayaa xusay in Somaliland ay u madax-banaan tahay xuduudaheeda, isagoona hoosta ka xariiqay in maamulka Hawadooda ay mas’uuliyadeeda  leedahay Xukuumada Somaliland.

Maareeyuhu waxa uu dowladda Soomaaliya ku eedeyay inay ka faa’iideysaneyso nidaamka caalamiga ha ee ka dhaxeeya dunida, inkasta oo aanu si cad u carabaabin, balse uu xusay in dawlada Soomaaliya ay isku dayayso inay khal-khal galiso arrinkaasi.

 

 

Hadalka Maareeyaha ayaa ka dambeeyey kaddib markii ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay xayiraad saartay duullimaadyada diyaaradaha imanaya garoomada diyaaradaha oo Somaliland ku jirto sababo la xidhiidha ka-hortagga caabura CoronaVirus, waxaana Khamiistii dorraad gebi ahaan joogsaday duullimaadyadii ay Garoonka Hargeysa ku imanaysay diyaarado ay ka mid tahay Ethiopian Airlines.

Haseyeeshee, Sabtida maanta ayaa diyaaradda Ethiopian Airlines soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo ay si rasmi dib uga bilowday duulimaadyadeedii.

Ethiopian Airlines, ayaa hore u shaacisay inay joojisay duullimaadyada ay ku tagi jirtay magaalada dalkaasi Soomaaliya, balse ay sii wadayso dulimaadyadeeda garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories