HomeXukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Kacdoonada Ka Socda Itoobiya

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Kacdoonada Ka Socda Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon), ayaa ka hadlay qalalaasaha iyo kacdoonada ka socda dalka Somaliland la jaarka ah ee  Itoobiya, isagoo ka hadlay  hadlay saameynta ay kacdoonadaasi ku yeelan karaan Somaliland.

daaw-wasiirka-arimaha-gudaha-som

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafyada dhulka iyo dhibaatada ay ku hayaan dadka, waxaanu Siyaasiyiinta kala duwan ee dalka ugu baaqay inay danta qaranka ka shaqeeyaan oo wixii lid ku ah iska dayaan, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya rabshado Axadii ka dhacay Wajaale uu yidhi “Laba qof baa ku dhintay Wajaale ILLAAHAY ha u naxariisto, qof dhaawac dhintay, iyo qof markii hore dhintay, khilaafyada dhulka waa dhibaatooyin taagan, oo dalkoo dhan ka taagan, dhulkana khilaafadkiisi baa batay, Dawladduna hadda wixii dhiba ah ee dhaca gacanta ayey ku qabanaysaa, oo hadeerna gacanta ayey ku haysaa arinta Wajaale ee Dhulka, dadkana waxaan ku waaninayaa oo aan u jeedinayaa in cudurkan dhulka ee dadkii dhibaatada ku noqday ee dadkii iska hor keenaya, in la iska ilaaliya, oo laga feejingaado”

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar aanu wax ka weydiinay qalalaasaha ka socda Itoobiya iyo sameeynta ay ku yeelan karto Somaliland ayaa ku jawaabay “Itoobiya waxaan ugu baaqaya in khilaafadkaas iyo burburku  sababayo in laga digtoonado, dadkeenana waa inay ka feejinaadan, oo taxadir badan laga qaato, oo aanu saamayn inagu yeelan, oo dadka ka soo cararaya ee khilaafaadka ka soo baxaya ee dalka soo galaya lala socdo, in guud ahaan aynu ka taxdirno, oo aynu dalkeena ilaashano ayaan ku talin lahaa”

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar aanu wax ka weydiinay Siyaasiyiinta Axsaabta iyo dhaliilaha ay isku jeediyaan ayaa ku jawaabay “Siyaasigu waxa uu Siyaasi ku yahay marka uu dalkiisa iyo dadkiisa ka hadlayo, oo aragtida uu dalkiisu ku hagaagayo uu soo bandhigo,kaas ayaa Siyaasiya,balse Siyaasi dalkiisa burburinaya Siyaasi maaha, lagumana sifeeyn karo Siyaasi, markaas waxaan Siyaasiyiinta kula talinayaa in danta dalka ka hadlaan, oo wixii dan ah ee dalku ku hagaagayo ka hadlaan, oo aanay ka hadal wax qaranka lid ku ah kana hor imanaya qaranimada dalka”.

 

Sooltoday/News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories