HomeXukuumadda Somaliland oo ka hadashay Damaca Ethiopia ee Dekedda Saylac iyo Wada-hadallada...

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Damaca Ethiopia ee Dekedda Saylac iyo Wada-hadallada Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay ka hadashay wararka sheegaya in dowladda Ethiopia damac kaga jiro Dekedda magaalada Saylac xilli uu madaxweyne Muuse Biixi ka soo laabtay socdaal uu ku tagay dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd waxa uu gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay in dowladda Ethiopia ay madaxweynaha Somaliland kala hadashay arrinta ku saabsan dekedda Saylac isla markaana aanu jirin tuhun ay u muujisay oo ku saabsan damac kaga jira dekeddaas.

blankWasiirka Arrimaha Dibadd oo madaxweynaha ku wehelinayay safarka dalka Ethiopia, waxa uu sheegay inay dowladda Ethiopia ka wada-hadleen sii xoojinta xidhiidhada labada waddan ee dhinacyada siyaasadda, ammaanka, Ganacsiga iyo qodobbo kale.

“Waxaanu ka wada-hadalnay danaha labada waddan sida siyaasadda, ammanka, isticmaalka dekedda Berbera, isu-dheelli-tirka Ganacsiga labada dal waayo Ethiopia iyada uunbaa wax innaga iibisa, waxaanu ka wada-hadalnay sidii aynu innaguna Ethiopia wax uga iibin lahayn sida kheyraadka Badda iyo Milixda,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxa kale oo aanu ka wada-hadalnay inaanu joogtayno kulamada labada dhinac iyo samaynta guddi Heer Wasiirro ah, Itoobiya-na waxay doonaysaa inay sii xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland.”

Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa ka jira damaca dowladda Ethiopia ee Dekedda Saylac iyo haddii ay ka wada-hadleen, waxa uu ku jawaabay, “Taasi waa arrin aan sal iyo raad-toona lahayn, waa propagando ay dadka Somaliland neceb meel walba galiyeen, arrintaas wax aanu kala hadalnay ama Ethiopia nagala hadashay ma jirto,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland waxa uu sheegay inay xukuum ahaan joojinayaan wada-hadallada kala dhexeeya Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inaanay masuuliyiinta dalkaasi madaxda ka ahi diyaar u ahayn midho-dhalka wada-hadallada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories