HomeXukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Abaar Ku Dhufatay Gobollada Bariga Somaliland

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Abaar Ku Dhufatay Gobollada Bariga Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Xukuumadda  Somaliland, ayaa ka hadashay abaarta ka jirta gobollada Bariga  Somaliland oo nolosha dad iyo duunyoba saamaysay isla markaana baaq qeylo dhaan ah u dirtay ganacsatada reer Somaliland kana codsatay in ay dadkooda baahan wax taraan.waxaanay xukuumaddu dhankeeda gaadhsiisay deegaano ka tirsan gobolada Bariga Somaliland raashin gurmad ah oo isugu jira sonkor iyo saliid.

daaw-wasiirka-arimaha-gudaha-som

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Prof Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) oo u waramay wargeyska Dawan oo aanu warkan ka soo xiganay,ayaa sheegay in abaartu ay ka jirto bariga gobolka Saaxil,Sanaag,Badhan,Sool iyo qeybo ka mid ah gobollada Buuhoodle iyo Togdheer.

“Deegaano  badan ayay abaartu ka jirtaa haba sii kala darnaadeen e,waana gobolada Bariga Somaliland oo roobabku ku yaraayeen dhawr sano isla markaana aanay wax baad ahi ka bixin oo ay xooluhu ku noolaadaan, waxaanay ka jirtaa bariga Gobolka Saaxil,Sanaag,Badhan,Sool iyo qaybo ka mid ah gobolada Buuhoodle iyo Togdheer. Xooluhuna aad ayay u jilicsan yiihiin meelaha qaarna xoolo baxay oo dhintay ayaa la soo sheegayaa markaa ALLE ayaan waydiisanaynaa in uu abaarta inaga soo jabiyo oo uu inoo naxariisto,naxariista ALLE oo kaliya ayaa lagu  baahi baxaa oo lagu dhergaa,marka aynu isu naxariisano ee kuweena jilicsan ee abaartu ku habsatay ee xoolohoodii iyo iyaguba ay tabaalaysan yihiin aynu u naxariisano ayuu ALLE,na inoo naxariisanayaa markaa waxaan ugu baaqayaa dadka tijaarta ah ee reer Somaliland in ay walaalahood u gurmadaan oo ay  gacan u fidiyaan, Xukuumadduna waxba kala hadhi mayso oo imikana Sonkor iyo saliid ayaanu deegaanada qaar gaadhsiinay baahiduna way jirtaa magaalooyinkana lagu noolaan maayo haddii miyiga lagu lee’do markaa nolosha miyi iyo magaalo way isku xidhan tahay waxaanan u soo jeedinayaa in ay gacan ka geystaan taakulaynta dadka iyo xoolaha lagu badbaadinayo,”ayuu yidhi  Mr. Faratoon.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida uu u arko xildhibaano iyo siyaasiyiin ku eedeeyay  wasiirka go’aamadii xukuumaddu ka soo saartay shaqaaqadii deegaanka degmada Ceel-afwayn ku dhex martay  beelaha walaalaha ah  oo ay ku sheegeen in ay dadka ku culus yihiin go’aamadaasi,waxaanu yidhi “Horta anigu nimankaa waxba odhan maayo oo dadkii deegaanka ee aanu xukunka ku ridnay ee go’aamadu ay ku socdeen ee lagu xukumay ayaa u jawaabay oo yidhi go’aamadaasi waxay ahaayeen xalka kaliya ee naftayada ay Xukuumaddu ku kala badbaadisay waanan qaadanay nimankaa markaa jawaab intaa dadku yidhaahdeen ayaaba ugu filan waliba badankooduna markii xukunka la soo saaray goob joog ayay ka ahaayeen markaa dad si qaldan wax u wada waxba odhan maayo deegaamadii la baabiiyay dadkii lahaa ee laga dumiyayna qiimihii ay noqdeen ayay Xukuumaddu u celisay deegaankiina waa nabad oo dhibaato kama jirto cid kasta oo isku dayda in ay ka ridana ka ogolaan mayno.”

Wasiira oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay shaqaaqadii Wajaale iyo halkay ku dambaysay,ayaa yidhi. “ shaqaaqo kooban ayay ahayd oo sababta dhimashada hal qof waanan ka xunay in shaqaaqo dad inagaga dhintaa ay dalka ka dhacdo iyadoo aan qadarka iyo geerida cidina baajin karayn laakiin aad ayaan uga xunahay ka dawlad ahaan imikana hawshaasi meel wanaagsan ayay maraysaa wax dhibaato ah oo hadda ka taaganina ma jirto.”

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories