HomeXukuumadda Somaliland oo ka digtay Khatarta Mashruuc Malaayiin Dollar ku baxayso oo...

Xukuumadda Somaliland oo ka digtay Khatarta Mashruuc Malaayiin Dollar ku baxayso oo Dowladda Soomaaliya Arrimo Siyaasadeed uga faa’idaysanayso

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa beesha Caalamka ee Dhaqaalaha ku taageerta Soomaaliya uga digay inay ka fiirsadaan Taakuleynta Dhaqaale ee ay siiyaan oo ay xustay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo uga faa’idaysanayso Dano Siyaasadeed oo lagu waxyeelaynayo ammaanka iyo madax-bannaanida Somaliland.

blankXukuumadda Somaliland waxa ay si adag uga digtay Mashruuc loogu magac-daray Baxnaano oo Malaayiin Dollar ku baxayso, kaas oo uu dhawaan Xadhigga ka jaray Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana loogu talo-galay in lagu taageero Qoysaska Danyarta ah, iyadoo dowladda Soomaaliya-na xustay in mashruucan laga fulin doono qaybo ka mid ah gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, ayaa baaq loogu diray Beesha Caalamka oo lagu wargeliyey inuu Mashruucaasi khatar ku yahay Xasilloonida iyo madax-bannaanida Somaliland isla markaana ay dowladda Soomaaliya deeqa beesha Caalamka uga faa’idaysanayso Ujeeddooyin siyaasadeed oo gaar ah.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku war-galinaysaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Baanka Adduunka in barnaamijka Maamulka Muqdisho u la magac baxay Baxnaano, kuna sheegay in qaybo ka mid ah uu ka fulin doono deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay faragalin qaawan oo waxyeello
ku ah amniga Somaliland, isla markaana uu yahay barnaamij lagu marin habaabinayo bulshada caalamka.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Waxa ay xukuumadda Somaliland digniin u dirtay Maamulka uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, waxaanay tidhi, “Dawladda Somaliland wax ay u ga digaysaa Maamulka Muqdisho isku-dayga taagta daran ee uu ku rabo in uu ku faragaliyo qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay cod dheer ugu sheegaysaa in uu maamulkaasi ka waantoobo sheegashada caalwaaga ah ee xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland.”

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Dawladda Somaliland waxa ay si gaar ah uga codsaneysaa Baanka Adduunka in uu ka fiirsado deeqaha la siiyo maamulka aan masuulka ahayn ee ka dhisan Soomaaliya kaas oo caadaystay in uu u adeegsado deeqaha iyo caawimooyinka aadame ee adduunka ujeeddooyin gaar ah, iyo kuwo siyaasadeed oo lagu khalkhal galinayo amniga iyo xasilloonida Somaliland.”

Xukuumadda Somaliland waxa ay digniin u dirtay Cid kasta oo isku dayda in mashruucaas laga fuliyo gudaha dalka, “Ugu dambayn, dawladda Somaliland waxa ay si adag ugu digaysaa cid kasta oo isku dayda in ay qayb ka noqoto isku-dayga fulinta mashaariicda ka hor imanaya madaxbannaanida Jamhuuriyda Somaliland.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories