HomeXukuumadda Somaliland oo Joojisay Mashaariicda Horumarineed ee Odoroska Miisaanadda Sannadkan

Xukuumadda Somaliland oo Joojisay Mashaariicda Horumarineed ee Odoroska Miisaanadda Sannadkan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Fadhigii Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Oo Lagu Go’aamiyey In La Joojiyo Mashaariicda Horumarineed Ee Ku Jira Odoroska Miisaaniyadda Sannadeedka 2022-ka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

War-saxaafadeedka oo lagu faahfaahiyey arrimo door ah oo lagaga hadlay fadhiga maanta, ayaa u qornaa Sidan:- “Fadhiga 93aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey ka soo baxeen qodobo muhiim oo diirada lagu saaray arrimo kala duwan oo qaranka dan u ah. Sidoo kale Goluhu waxa uu warbiximo ka dhegeystay Wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Diinta iyo Awqaafta.

Ugu horanna waxa golaha war-bixin la xidhiidha amniga qaranka la wadaagay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday xaalada amni ee dalku inay tahay nabadgelyo ah. Sidoo kale goluhu waxa uu warbixin la xidhiidha arrimaha siyaasada dibeda ka dhegeysteen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud oo muddooyinkii u danbeeyey safaro kala duwan ku soo maray Dalalka Uk iyo France, isagoo wasiirku xusay in safaradaasi ku soo dhammaadeen guul qaranka u soo hooyatay.

Waxa kale oo goluhu warbixin la xidhiidha gubashadii Suuqa weyn ee Waaheen ka dhegeysteen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Suuqa Waaheen, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo uu wehelinayey Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Muuse Ibraahin Yuusuf, waxaanu golaha la wadaagay halka uu marayo qorshaha dib-u-dhiska Suuqa waaheen iyo qorshaha dejinta suuqyada ku meel-gaadhka ah ee loo diyaariyey inay ku ganacsadaan dadkii uu saameeyey dabkii Waaheen, taas oo uu xusay in dejinta la bilaabi doono todobadka danbe.
Dhinaca kale Goluhu waxa uu qodobbo ka soo saaray Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay yeesheen Maanta oo Khamiisa taariikhduna ay tahay 16-June-2022-ka.

1. Dood iyo falan-qayn dheer oo socotay ilaa shirkii kan ka horeeyey ka dib Goluhu waxa uu Qabyo-qoraalka Xeerka Madax-dhaqameedka dalka, ay fareen Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay dib u habayn ku soo samayso nuxurka uu Xambaarsan yahay Xeerkaasi, iyada oo Wasaaraddu ka duulaysa dooddii iyo talooyinkii Xubnaha Golaha Wasiirradu soo jeediyeen shirarkii u danbeeyey.

2. Goluhu waxa uu ku dheeraaday xaaladda maceeshada iyo shidaalka ee qiimahoodu kor u sii kacayo marba marka ka danbaysa, kuwaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ay kala mid tahay bulshada kale ee caalamka ku nool, isla markaana wadan waliba samaynayo isku tashi Qaran. Sidoo kalena ay xaaladdii abaartu wali dalka ka taagan tahay. Sidaa awgeed Goluhu waxa uu go’aamiyey in la joojiso mashaariicda horumarinta ee ku jira odoroska Miisaaniyadda 2022-ka, si loo samayn karo gurmad degdeg ah haddii xaaladuhu sii adkaadaan.” Sidaas ayaa lagu  sheegay war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories