HomeXukuumadda Somaliland oo Jawaab ka bixisay hadal ka soo jeedhay Sheekh Shariif,...

Xukuumadda Somaliland oo Jawaab ka bixisay hadal ka soo jeedhay Sheekh Shariif, soona dhawaysay Dacwada ku socta Cali Samatar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 21 February, 2012(SLpost)-Xukuumada Somaliland,ayaa si balaadhan u soo dhaweeysay dacwada dalka Maraykanka uga bilaabatay Madaxweyne ku-xigeenkii iyo raiisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Samatar isla markaana isla markaana jawaab ka bixisay hadalkii ka soo yeedhay madaxweynaha dawlada kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Cabdillaahi Jaamac Cismaan(Geel-jire) ayaa sheegay inay xukuumad ahaan si ballaadhan u soo dhaweeynayaan dacwada lagu qaadayo Cali Samatar iyo cid kasta oo dambi ka gashay shacbiga reer Somaliland, “Xukuumad iyo shacaba dadkeena ku nolol reer Somaliland wixii ka galay danbi ama aynu u sheeganayno danbi. Haddii loo helo maxkamad eegta kiiska taageero ayuu inaga mudan yihiin, ”ayuu yidhi wasiirka Kalluumaysiga iyo kayraadka baddu Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo maanta u warramay Telefishanka HCTV. Isaga o hadalkiisa ku daray,  “Sida aad ogtihiinba kiiskan dad muwaadinin oo reer Somaliland ayaa soo dacwooday oo Cali Samatar ka soo dacwooday oo ahaa madaxweyne ku-xigeenkii Soomaaliya ahaana wasiirkii gaashandhiga. Isaguna waxaa uu berigaa warbaahinta u sheegay inuu ahaa ninkii amray in Hargeysa diyaaruhu iyaga oo kacaya madaarkeena ay dadka shacabka duqeeyaan. Markaa dadkii beriga wax ku noqday ayaa dacwada lahaa, waananu taageersan nahay oo isaguna markaa wuu u baahanyahay caddaalad hadii lagu helo oo wuxuu helayaa danbigii lagu helay, haddii aan lagu lahayn oo ay maxkamadi sii dayso waxa uu helay caddaalad oo waxa weeye danbigaa waa lagu waayey oo anagu waanu taageersan nahay isaga iyo wixii la keeni karaba.”

Dhanka kale, wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kayraadka baddu, waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha dawladda kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif kaasoo sheegay in ka qaybgalka shirka London ee Somaliland ay muujinayso inay Somaliland ka soo dabacday halkeedii hore, wasiirka oo arrintan ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Marka ugu horaysa waxaad garankarta marka uu madaxweynaha Soomaaliya uu warbaahinta la hadlayo oo Public ula hadlayo oo xilkiisa ayuu gudanayaa oo dadkii uu sheeganayay inuu xukumo ayuu wax u sheegayaa. Laakiin innaga maxaa ina khuseeya weeye? Waxa uu yidhaahdo haddu rajeeyo inay Soomaaliya isku soo noqoto, waa rejadiisa oo waa wax uu isagu niyadiisa ka doortay. Laakiin inaguna waxaynu rejaynaynaa oo aynu ficilkeena ku darnay in gooni-isu-taggeena iyo qarannimadeena ilaashano oo aynaan ku noqon midnimadda Soomaaliya oo aynu halka aynu joogno ictiraaf caalamiya ku helo oo inaguna waynu is ictiraafnay oo nin-na niyadiisa ku qabsan mayno oo niyadiisa isagaa u xorra. Laakiin mid na khuseeya hadalkaasi maaha.”

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories