HomeXukuumadda Somaliland oo Jawaab ka bixisay Dacwad Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka

Xukuumadda Somaliland oo Jawaab ka bixisay Dacwad Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag uga jawaabtay Dacwad ay dawladda Soomaaliya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga gudbisay xidhiidhka ganacsi iyo dibloomaasiyeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.

 

Wakiilka Somaliland  u fadhiya dalka Kenya, Baashe Cawil Cumar ayaa  sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal madax-bannnaan oo aanay jirin wax ka hor istaagaya inay la macaamisho dalalka kale ee caalamka.

 

Danjire Baashe Cawil wuxuu sidaasi ku sheegay warbixin  uu daabacay Warsidaha ugu caansan dalka Kenya ee Daily Nation oo aanu warkan ka soo xigannay.

 

Mudane Baashe Cawil waxa uu deel-qaaf iyo meel-ka-dhac ku tilmaamay tallaabada Dawladda Soomaaliya oo  ka xumaatay  socdaalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku tagay dhowaan dalka Imaaraadka Carabta oo ay heshiisyo hore u wada galeen Somaliland, waxaanu  cambaareeyey go’aanka Soomaaliya Golaha Ammaanka ugu gudbisay dacwad ka  dhan ah dalka Imaaraadka Carabta oo ay ku haysato Socdaalkii Madaxweynaha Somaliland.

 

Danjire Baashe Cawil  waxa uu ku dooday inay Somaliland tahay waddan madax-bannaan oo sii wadaya inuu aqoonsi caalamiya ka dalbado dalalka caalamka.

Waxa kaloo uu xusay in   Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax fasax ah uga qaadaynin Soomaaliya   inay iskaashi la yeeshaan caalamka.

“Waxaan ku celinayaa in Somaliland ay tahay waddan madax-bannaan oo leh soohdimo la aqoonsan yahay, isla markaana ay leedahay dawlad la soo doortay. Somaliland waa u xor inay  cilaaqaad la yeelato dalalka caalamka ugamana baahna Soomaaliya wax fasax ah,” Sidaas ayuu yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi.

 

SOMALILANDPOST NEWS

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories