HomeXukuumadda Somaliland oo Jawaab Cad ka Bixisay Hadal Soomaaliya Ka soo Yeedhay

Xukuumadda Somaliland oo Jawaab Cad ka Bixisay Hadal Soomaaliya Ka soo Yeedhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost):- Xukuumadda Somaliland,ayaa jawaab cad ka bixisay hadal   ka soo yeedhay dawladda Xamar oo sheegatay in ujeedada ay ka leedahay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya in uu yahay sidii ay u soo celin lahaayeen wax ay ugu yeedheen midnimaddii Soomaali-weyn.

 

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Axmed Aaddan Ismaaciil (Axmed Kayse) oo xalay khadka Telefoonka  ugu warramay wargayska DAWAN, ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay Raysal-wasaare ku-xigeenka  Soomaaliya Maxamed Cumar Carte in uu yahay hadal la iska yidhi oo aan waxba ka bedelayn mawqifka qaranimada iyo jiritaanka madax-bannaanida Somaliland.

 

“Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya warka uu bixiyay ee uu ku sheegay in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ujeedadiisu in ay tahay sida uu sheegay midnimo Soomaali-weyn waa wax aanay waxba ka jirin oo riyo ah, waana wax aan dib u dhacayn in ay Somaliland la midowdo Soomaaliya sababtoo ah horta waxa  uu ka hadlayo ee uu leeyahay Soomaali-weyn goormay kala tagtay, Jabuuti oo dal madax-bannaan ah ayaa ka mid ah Soomaali-weynta uu sheegayo, Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya ayaa ka mid ahaa NFD-da Kiiniya ayaa ka mid ahayd.  markaa siday kuwaasiba uga tageen ee aayaahooda u garteen ayay Somaliland-na u garatay aayaheeda oo ay u tashatay,waana go’aan shacbi oo dastuurka ku cad Ina Cumar Carte iyo Qayrkiina waxba kama beleli karaan,”ayuu yidhi Wsiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland, isagoo hadalkiisa sii watana waxaa uu intaa ku daray. “Dawladda Somaliland illaa maalintii gooni isu taagga dalkan iyo qaranimadiisa lagaga dhawaaqay Burco 1991 kii. Waxaa dedaal loogu jiray in Somaliland ay beesha caalamka ka hesho aqoonsi buuxa taasoo loo maray dariiqyo badan isla markaana ay Somaliland saaxiibo badan caalamka ka kasbatay,markii Xukuumadda maanta jirta ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Siilaanyo xilka  la wareegtayna waxay dawladaha iyo dalalka ay Somaliland saaxiibka yihiin ku qancisay in Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dal ah la wada hadalsiiyo sidaas ayaanu ku bilaabmay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Muhiimadda ay Somaliland wada hadalka Soomaaliya  iyo Somaliland ka leedahayna waa in laba dal oo walaalo ah oo xidhiidh dublamaasiyadeed iyo mid ganacsiba ka dhexeeyo ay noqdaan iyo laba dal oo daris wanaag ah taana way ogyihiin Madaxda Soomaaliya  oo shirkii ugu dambeeyay ee Turkigaba waxaa uu u qabsoomi waayay markii ay dawladda Muqdisho ku soo dartay siyaasiyiin  dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland in ay wada hadalka dawladda Muqdisho u metelaan,markaa hadalka ina Cumar iyo qayrkii toona waxba kama bedelayaan mawqifka Somaliland ay ka leedahay wada hadalka ay la yeelanayso Soomaaliya.”

 

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibada oo si gaar ah uga hadlayay siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Dawladda Soomaaliya iyo hadalada ka soo yeedha,ayaa yidhi. “Horta Maxamed Cumar Hargeysa ayuu nala joogay oo waliba Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland ayuu mar la taliye ka ahaa waxaanu ka qayb galay shirar badan oo dibada ah oo qadiyada Somaliland uu ku ad-adkaa  markii dambena waa kii furtay ururkii Damal laakiin waxaa nasiib darro ah markii ururkiisii uu dhacay wuxuu tegay Muqdisho oo uu xilka uu imika hayo ka qabtay kalidiina maaha ee guddoomiyihii ururkii Gurmad Nuur iyo Guddoomiyihii ururkii NDB Foosiya ayaa iyaguna tegay oo xilal ka haya wasiirnimo iyo xildhibaan,markaa siyaasiga halkan ku dhaca ee waxba ka  noqon waaya ee markii is bixin waayo Xamar intuu tago odhanaya midnimaan keenayaa waxay tahay uun qof is leh yaan lagu eryin ee is yara muuji laakiin xataa Xukuumadda ay ka midka yihiin way ogtahay mawqifka Somaliland iyo ujeedada wada hadalka Caalamka hortiisa ayaanay labada Madaxweyne ku kala saxeexdeen qodobada  wada hadalka bud dhigga u ah oo ay ka mid tahay in laba dal oo kala ah Somaliland iyo Soomaaliya in loo wada hadlayo.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories