HomeXukuumadda Somaliland oo jawaab Adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Soomaaliya

Xukuumadda Somaliland oo jawaab Adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay hawl-gallo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Laascaanood oo dadka ajaanibka ah lagaga tarxiilay.

War-murtiyeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegtay in hadalka ka soo yeedhay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya yahay been-abuur uu ka sheegay hawl-gallada xukuumadda Somaliland dalkooda dib ugu celisay dad u dhashay Soomaaliya oo sifo sharci darro ah u deganaa degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Wasaaradda Khaarajigu waxay sheegtay inay Somaliland goob nabdoon u ahayd soddonkii sannadood ee la soo dhaafay dadka ka soo qaxay dalka la jaarka ah ee Soomaaliya, taasi oo ay Somaliland martigelisay iyadoo xeerinaysa xuquuqda aadamaha iyo shuruucdeeda gaarka ah oo arrintaas damaanad qaadaya.

“Somaliland waxay hoy ay ku badbaadeen u ahayd qaxootigii ka soo qaxay dalka deriska ah ee Soomaaliya soddonkii sano ee u dambeeyey. Iyada oo raacaysa waajibaadka shuruucda bani’aadamnimo ee ku xusan xeerarka caalamiga ah iyo shuruucda gudaha iyo kuwa muwaadinnimada, dawladda Somaliland waxay masuuliyad iska saartay ilaalinta iyo hab-nololeedka dhammaan dadka ku nool gudaha xuduudaheeda,” sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

War-murtiyeedku waxa kaloo uu intaas ku daray in tallaabada dib loogu celiyey dadkaasi ay keentay duruufo la xidhiidha dhinaca ammaanka, kadib markii dadka deegaanku ay soo codsadeen, isla markaana warar xaga sirdoonka laga helay ay tibaaxeen in haliso nabadgelyo ka iman karaan dadkaas.

“Waxaa muhiim ah in xuso in go’aanka musaafurinta Dadka ka soo jeeda Soomaaliya uu ku yimi arrimo la xidhiidha xoojinta ammaanka, oo ay ku jiraan codsiyo ka yimid Shacabka deegaannka iyo maamulka degmada Laascaanood, warbixinnada Sirdoonka iyo la-tashi guud oo la sameeyey.”

Warku wuxuu intaas ku daray inay Somaliland ay si dhow ugala shaqeyso dalalka jaarka ah dadka socotada ah iyo ilaalinta xuduudaha.

“Dawladda Somaliland waxay xidhiidh dhaw iyo iskaashi la leedahay dhammaan deriskeeda, oo arrimaha socdaalka iyo xakamaynta xuduudaha ku jiraan, kuwaas oo ay kala shaqayso iyada oo u hoggaansan xeerarka caalamiga ah. “

Xukuumadda Somaliland waxay iftiimisay inay Soomaaliya qaska ka jira gudaheeda ay doonayso inay gaadhsiiso dalalka la jaarka ah, isla markaana ay ku guul-daraysatay inay ilaaliso nabadgelyada dadkeeda oo ay ka abuurto dalkaas jawi xasiloon oo siyaasiyadeed.

“Dowladda Muqdisho oo ku guul-darraysatay inay ka soo baxdo mas’uuliyadeeda maamul ee gudaha iyo dibaddaba dalkeeda,  waxay Dadka kale u daan-daansanaysaa inay indhaha beesha caalamka ka jeediso dhaliilaheeda dul-hoganaya, iyadoo beesha caalamku siiyaan lacago xad -dhaaf ah.” Sidaa ayuu lagu yidhi War-saxaafadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay ugu baaqday Soomaaliya inay ka waantowdo farogelinta arrimaha gudaha Somaliland, waxaanay tilmaantay inay Jamhuuriyadda Somaliland dabaqayso madax-bannaanideeda isla markaana ka hortagayso wixii halis nabadgelyo darro u soo jiidaya dalkeeda.

Waxa kale oo war-murtiyeedka lagu sheegay in Somaliland martigelisay tiradii ugu badnayd ee qaxoonti ka soo cararay colaadaha ka jira Mandaqada, isla markaana qaxoontigaas ay Somaliland u tahay meel ay ku badbaadeen, Xukuumadda Somaliland-na ka go’an tahay inay beesha caalamka iyo dalalka jaarka ah kala shaqeyso sidii adduunku u noqon lahaa mid nabadgelyo loogu noolaado.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories