HomeXukuumadda Somaliland oo Jariimad Qaran ku eedaysay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Xukuumadda Somaliland oo Jariimad Qaran ku eedaysay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa jariimad iyo Khimiyaamo Qaran oo lagu xaqiray Xuquuqda iyo Qaddiyadda Qaranka ku tilmaantay qoraal uu guddoomiyaha Xisbiga Waddani ku baahiyey Ciwaannada uu ku leeyahay Baraha Bulshada.

Guddoomiyaha Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa boggiisa Facebook ku baahiyey qoraal uu kaga xog-warramay natiijada kulan uu Hargeysa kula yeeshay Wefti ka socda dowladda Norway oo uu yeeshay inay ka wada-hadleen Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo Diyaar-garowga Doorashooyinka Golaha Guurtida iyo Madaxtooyada.

blankGuddoomiye Cirro waxa uu qoraalkiisa ku sheegay Inuu kulan la qaatay wax uu ku shegay Ergayga Dowladda Norway u qaabilsan Wada-hadallada iyo Dib-u-heshiisiinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya’.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa war-saxaafadeed xafiiskiisa ka soo baxay maanta ku sheegay in guddoomiye Cirro hadalkiisa ku xaqiray Xuquuqda jiritaan iyo Dowladnimo ee Somaliland, isagoo hadalkiisu tix-raacayo Kelmadda Dib-u-heshiisiinta oo ah kelmad uu guddoomiye Cirro u adeegsaday Xilka Ergayga Norway u qaabilsan wada-hadallada.

War-saxaafadeedka Wasiirka Warfaafinta, ayaa u qornaa sidan:- “Waxa ayaan darro ah in Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), uu u badheedhay inuu xaqiro Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii uu wadahadallada Somaliland iyo Soomaliya ku tilmaamay kuwo dib u-heshiiseed, taasi oo fajiciso ku noqotay shacab iyo Xukuumadba.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI wuxuu bartiisa Facebook ku soo daabacay kulan uu la yeeshay shalay sarkaal Dawladda Norway u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Guddoomiye Cirro masuulkaa ku tilmaamay inay qaabilsan tahay wadahadallada iyo dib u heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya.

Tan iyo markii wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya bilaabmeen sannadkii 2012kii, marna laguma sheegin wadahadal dib u heshiiseeneed, hase ahaatee Ujeeddada Jamhuuriyadda Somaliland waxay ahayd, walina tahay, in wadahadalkaas uu yahay sidii ay u guran lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya.

Hadalka Guddoomiye Cirro waa khiyaamo qaran iyo jariimad uu ka galay dawladnimada soddon jirsatay ee Jamhuuriyadda Somaliland ku naalloonayso, mana aha markii ugu horraysay ee wuxuu ku caan-baxay inaanu xusaska 18ka May oo ah maalinta Qarannimada Somaliland aanu waligii ka qaybgalay xusaska munaasibadaas markii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahaa iyo imika oo uu yahay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

Hadalkiisani wuxuu daliil u yahay tuhunno hore oo shacbigu ka qabay inuu xidhiidh iyo gacan-saar hoose la leeyahay Soomaaliya, taasi oo ay sheegeen xubno ka tirsanaa xisbiga WADDANI oo uu ugu dambeeyey Cabdilaahi Daamur,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasiirka Warfaafinta.

Maaha markii u horeysay ee Xukuumadda Somaliland eedaymo noocan oo kale u jeediso Guddoomiye Cirro iyo Xisbiga Waddani. Tiraba dhowr jeer oo hore ayay xukuumaddu ku eedaysay inuu jiro Xidhiidh iyo Mabda’ lid ku ah Qaranimada Somaliland oo Guddoomiye Cirro iyo Xisbiga Waddani la leeyahay madaxda Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories