HomeXukuumadda Somaliland oo Indaha Ka Qarsatay Dambiyo Ka Dhacay Dugsiga Sare ee...

Xukuumadda Somaliland oo Indaha Ka Qarsatay Dambiyo Ka Dhacay Dugsiga Sare ee Abaarso Tech oo ay Ku Kaceen Macalimiin Ajnebi ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waxa beryahan dambe isa soo taraya dembiyo dhawr ah oo ka dhacay dugsiga Abaarso Tech hase yeeshee ay xukuumadda Somaliland iska indha tirtay waxbana aanay ka qaban.

Stephen Vor
Stephen Vor

Waxa isa soo taraya caddeymo dhawr ah oo tilmaamaya inay maclamiinta dugsigaa joogaa ku beereen dugsigaa dhirta XASHIISHADDA kuna isticmaali jireen dugusga dhexdiisa.   Dhirtaas oo dhawaan la gubay waxay xukuumadda Somaliland  ka dhego adeegtay in baadhitaan lagu sameeyo iyada oo la hordhigay caddeemo dhawr ah oo tilmaamaya inay arrimahaasi wada dhab yihin una baahan yihiin baadhitaan.  Macalin ka mid ah macalimiintii dugsiga kal hore wax ka dhigi jiray  oo isna ajnebi ah ayaa hadalkan dawaan qoray:

“Haddaanu ahayn macalimiintii cusbayd meesha waxaanu ugu nimid dhaqan daroogo oo adag (DRUG CULTURE), waxanay nagu ahayd arrin dareen xun iyo baqdin ba leh”

Xukuumadda Somaliland waxa laga codsaday inay baadhitaan arrintaa ku sameeso weliba intuu raadku sii jiray, hase yeeshee far looma qaadin.

Arrinta daroogada ka sokow, waxa halkan ku lifaaqan page Facebook  oo macalinka ka madaxda ah macalimiinta dugsiga Abaarso uu kula haasaawoyo inan ardayda.  Macalinkaasi  hasaawaha waxa uu ku daray arrimo diinta iyo dhaqanka ka fog isaga oo ku dhiirinaya gabadhaas inay xijaabka dhigto oo ay isticmaasho maskaxdeeda.  Sheekada oo sidan u dhacday waxay ka muuqata boggaas oo halkan ku lifaaqan”

Adayda magacayda waanu qarinnay  laakiin macalinku wuxuu ahaa Stephen (ama Stefan) madaxa maclimiinta. Mana aha NIN DA’YAR oo khibrad la’aani u gaysay ee waa nin konton jir sare u dhaafay.

Facebook Conversation
Facebook Conversation

Stefan:  Aad bay u tahy wax xun (shame) inaad had iyo jeer masar xidhnaato

——:  maaha wax xun waa dhaqankayaga

Stefan: Okay bay ahaan lahayd haddii aad ikhtiyaarkaaga ku xidhato masarka laakiin maaha in lagugu khasbo oo aad u xidhato cidbaa kugu tidhi, waa wax aad u khaldan. Nasiib darradadu waxy tahay inaanad weligaa fahmayn waxay tahay xoriyaddu, xoriyadda ikhtiyaarka. Waxaad isu haysataa inaad xoriyad haysato, laakiin ma lehid xoriyad.

—–: Ciddinna naguma khasabin ee Diintayada ayaa na faraysa sidaa daraadeedna waa inaanu raacno diintayada

Stefan: Markaa waxaad leedahay cid ama wax baa nagu khasbaya.  Maaha muhiim waxa ku khasbayaa.  Waxaad leedahay maskax, waa la gaadhay markii aad isticmaali lahayd maskaxdaada.

—–: Bal halkaa ku jooji, ciddina nagu khasbi mayso, waa diintayada, cid walibana diinbay leedahay, tani waa diintayada, Stefan.

Haddii ay sheekadanni dhexmari lahayd macalin iyo inan ardayad ah Maraykan dhexdiisa, isla saacadda la ogaado ayaa shaqada isaga iyo ciddii ku aamintay ardayba shaqada laga fadhiisin lahaa.  Inay ardayd iyo macalin islaba gaadhaan meelay ardayaddu ugu yeedho macalin magaciisa kowaad iska da wax kaleba eh marna meesha kumaba jirto.

Maamulaha Dugsigaas oo isla shalay ka soo noqday dibedda oo Boliska Madaarka Berbera ku xidheen isaga oon sidan Fiisada dal ku galka Somaliland, ayaa si deg deg ah loogu soo daayey markii amar ka yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories