HomeXukuumadda Somaliland Oo Heegan Ka Gashay Ka-Hortagga Xannuunka CORONAVIRUS iyo Hawl-galkii Saaka...

Xukuumadda Somaliland Oo Heegan Ka Gashay Ka-Hortagga Xannuunka CORONAVIRUS iyo Hawl-galkii Saaka ee Madaxweynaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray shaqaale iyo dhakhaatiir loo tababaray ka hortagga  iyo la tacaalista xannuunka ka dillaacay dalka Shiinaha ee CORONAVIRUS, oo dalalka caalamku dedaal ugu jiraan xakamayntiisa.

blankMadaxweynaha oo uu wehelinayo wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka iyo mareeyaha hay’adda Duulista iyo madaarrada, ayaa kormeeray dhallinyaro ku takhasustay caafimaadka oo madaarka heegan ugu jira sidii ay xannuunka CORONAVIRUS uga hubin lahaayeen qof kasta oo kasoo dega madaarka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa ugu horrayn sharraxay sida loogu baahan yahay in laga hortago isbeddelada caafimaad ee dunida ka socda iyo la tacaalistooda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Adduunyada waxa lagu jiraa feejignaan iyo in lala socdo isbeddellada ku imanaya caafimaadka dunida, taasina waxa ay keentay madaxweyne inaannu annaguna hawlgalkaas aannu hawshii aannu hore u haynnay sii xoojinno iyo in arrinta hadda adduunka kusoo cusbaanaatay ee Fayraska cusub ee CORONAVIRUS oo aynnu ognahay in innaga lafteenna in baayac-mushtar iyo dhaqdhaqaaq badani inaga dhexeeyo dunida aynnu u diyaar garowno.”

Maareerayaha hay’adda Duulista Madaarrada iyo Somaliland, Mudane Maxamed Cabdi Rodol, ayaa isaguna dhankiisa sheegay inay si weyn ugu diyaar garoobeen  ka hortagga xanuunkan, islamarkaana shaqaalaha uu gacanta ku hayaa si dhaw ula shaqaynayaan shaqaalaha gaarka ah ee wasaaradda horumarinta maaliyaddu madaarka u soo dirtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si mug leh uga hadlay muhiimadda shaqaalaha caafimaadka ee carbisan ee wasaaradda horumarinta caafimaadku heeganka gelisay iyo sidii  wada-shaqayn iyo dhiirrigelin dhaw loogu samayn lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta muhiimadda ugu weyn ee aynnu halkan u joognaa waxa weeye gurmadka caafimaadka, marka horena qolada madaarka waxa laga rabaa inay samayso koontaroollo ama teendhooyin dhisa ama hangar dhisa oo meel dadka lagu hayn karo oo la deggenaan karo oo degdeg ah waa la idinka rabaa, dhulkiina waad haysaan, dhaqaaluhuna wuu idin soo gaadhi doonaa laakiin waad bilaabaysaan.”

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay sida loogu baahan yahay in taxadar dheeraad ah la sameeyo, loona hoggaansamo tilmaamaha dhakhaatiirta, madaxda laamaha socdaalka iyo Booliskuna la shaqeeyaan dhakhaatiirta gurmadka loo keenay madaarka, “Waxa la rabaa madaarkaas rakaabka kasoo degaya inantaa Neeraska ahi marka ay farta taagto wixii ay doonayso in loo fuliyo, taliyaha socdaalka, Booliska iyo ciidamada waxa laga rabaa inay  gurmadkan aad u galaan oo rakaabka soo degaya kaantaroolkooda iyo qof walba in la hubiyo wixii tilmaamo ahna amarka dhakhaatiirta la fuliyo, waayo waxa la yidhi la isma taaban karo, la isma salaami karo, la isumana dhawaan karo,”, ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu caddeeyey inaanay jirin wax khatar ah oo weyni, balse ay tallaabadani tahay taxadar iyo ka hortag, waxana uu yidhi, “Khatari innama soo gaadhin, laakiin adduunku  wuu isu wada furan yahay, markaa inaynnu taxaddar farobadan oo aan cunfi lahayn, laakiin maamul ah waa inaynnu galnaa, halkanina waa halkii laga soo galayaye waa inaad nidaamkaas raacdaan, halkanna waannu idinkala dhisaynaa Emergency-ga,  gurmadkana diyaar baa loo yahay.”

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa  heegan gelisay dhakhaatiir u carbisan ka hortagga iyo baadhista xannuunka CORONAVIRUS oo maanta meelo badan oo dunida ah ku faafaya.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories