HomeXukuumadda Somaliland oo Heegan Galisay Ciidamadeeda Milatariga, kana digtay Khasaare ka dhasha...

Xukuumadda Somaliland oo Heegan Galisay Ciidamadeeda Milatariga, kana digtay Khasaare ka dhasha socdaalka Madaxweyne ku-xigeenka Maamu-goboleedka Puntland ku joogo TALEEX

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

waranHargeysa (SLpost)- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade, ayaa ka hadlay safar uu madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland ku yimid deegaan ka  tirsan gobolka Sool oo ka mid ah dhulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo weli ku gudo-jira dedaallo nabadeed iyo waan-waan xal loogu raadinayo isku-dhac laba beelood ku dhexmartay deegaanka God-haleeli, ayaa shir-jaraa’id oo uu qabtay halkaas digniin ugu jeediyey madaxda Puntland ee socdaalka ku soo gaadhay degmada Taleex, waxaanu sheegay in wixii dhibaato ah ee ka yimaadda arrintaasi ay dusha ku qaadan doonaan madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland iyo ciidamo uu sheegay inuu wato. “Waa xad gudub qayru sharci ah oo uu ku soo xad gudbay xuduudda Somaliland ninka sheeganaya madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, arrintaas waxaanu u aragnaa mid khatar ku ah nabad-galyada u dhaxaysa dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland,” ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Md Waran-cadde waxa uu ka digay khatar ammaan-darro oo ka dhalan karta xad-gudubka maamul-goboleedka Puntland ugu soo tallaabeen Gudaha xuduudka Somaliland. “Waxaanu u sheegaynaa madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland arrintaasi inay tahay mid khatar ah, caalamkana waxaanu ugu baaqaynaa in wixii halkaas ka yimaada  ay dusha ku qaadan doonaan ninkaas soo xad gudbay iyo ciidamada uu wato, waxaanu imika heegan galinay ciidamada Somaliland wixii halkaas ka yimaadana waxa masuul ka ah ninkaas ku soo xad-gudbay xuduuda Somaliland,” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade.

Socdaalka Weftiga Maamul-goboleedka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdisamad Cali Shire iyo Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa maanta markii u horreysya muddo sannado ah socdaal ku yimi degmada Taleex ee gobolka Sool ee Somaliland, waxaana horkacayay hoggaamiyihii hore ee kooxda nabad-diidka ee la baxday Khaatumo, Axmed Karaash oo muddooyinkii u dmabeeyey ku sugnaa magaalada Garoowe.

PUNTLAND_TALEEXWeftiga Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-goboleed Puntland oo ay xubno ka yihiin madax iyo saraakiil ciidan, ayaa ujeeddada safarkooda lala xidhiidhinayaa khilaaf u dhexeeya hoggaamiyeyaasha kooxda Nabad-diidka ah ee Khaatumo, kuwaas oo isku haysta ajandeyaasha siyaasadeed ee kooxdaasi ku marin-habaabinayso dadka deegaankaas, waxaanu Axmed-Karaash uga soo raacay magaalada Garoowe ka dib markii uu ku guulaystay taageero siyaasadeed oo uu ka raadinayey maamul-goboleedkaas.

Ma jirto wax diidmo ah oo weftigani kala kulmay maleeshiyada Khaatumo maadaama labada dhinac khilaaf ba’an oo dhinaca maamulka ahi u dhaxeeyay, waxaanay wararku sheegayaan in si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-goboleedk Puntland oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Sool gaar ahaan degmada Taleex, ayaa socdaalkiisani noqonayaa markii u horreysay muddo toban sanno ah oo masuul xil sare ka haya maamul-goboleedka Puntland ku yimaaddo deegaamo ka tirsan gobolka Sool.

SOMALILANDPOST.INFO

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories